Advertisements

Hey’ada Sirdoonka Ingiriiska ee MI5 oo ku Raad joogto 60 qof oo lagu tuhmaayo inay ka mid yihiin Al-shabaab.

al-shabaab.jpg11Sida lagu soo warramay Hay’ada sirdoonka Ingiriiska ee MI5 ayaa waxay  ku Raad joogto 60 qof oo lagu tuhmaayo inay ka mid yihiin kooxo argigixisada Al-shabaab oo ku dhuumaaleeysanaya dalka Britain.

al-shabaab

Warbixin ay soo saartay Hey’ada MI5 ayaa lagu sheeegay iney u diiwaangashanyihiin in ka badan 60 argagixiso ah oo la rumeysanyahay iney ka tirsanyihiin maleeshiyaadka argagixisada ah ee Shabaab kuwaas oo iminka la baadigoobayo,  taas oo ka dambeysay weerarkii lagu qaaday suuqa ganacsiga ee Westgate.

Warkan ayaa soo ifbaxay markii ay saraakiil u hadashay wasaarada arrimaha dibada ee Brtain ay sheegeen in 67 qof oo isugu jira Rag, Dumar iyo caruur lagu dilay xarunta ganacsiga ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi, kuwaas oo ay ku jireen 6 qof oo heystay dhalashada dalka Ingiriiska.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu sheegay in todobaatan Kun oo Soomaali ah kuna nool magaalada London ay yihiin muwaadiniin daacad ah oo nabada jecel balse ay jiraan kooxo maskaxda laga qalday oo taageersan fikirka guracan ee kooxaha argagixisada ah ee Alshabaab.

Ha yeeshee Saraakiisha hey’ada MI5 waxay tilmaameen iney sii wadayaan baaritaanada lagu sameeynayo dadka lala xiriirinayo iney ka tirsanyihiin maleeshiyaadka Alshabaab, ayagoo ka dalbaday jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Britain iney gacan ku siiyaan la dagaalanka argagixisada.

SomaliSwiss      London

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: