Dhacadadii Westgate Mall oo maanta Baarlamaanka Kenya su’aalo ka weydiinaya saraakiisha Amniga iyo wasiirka Gudaha Kenya..

Barlamaanka kenyaBaarlamaanka dalka Kenya ayaa lagu wadaa in manta ay  su’aalo ku saabsan weerarkii Westgate Mall weydiiyaan saraakiisha laamaha ammaanka, sida booliiska iyo nabadsguidda iyo sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha dalkaas, Joseph Ole Lenku.

Guddoomiyaha guddiga difaaca Baarlamaanka wadanka Kenya Xildhibaan C/qaadir Dhoore ayaa shaaca ka qaaday inay maanta su’aalo weydiinayaan madaxda hay’adaha ammaanka wadankaasi ugu xil saran dhacdadii weerarkii ay Al-shabaab ku qaadday dhismaha ganacsiga Westgate Mall.

Xildhibaan Dhoore oo ka mid ah xubnaha guddiga amaanka iyo difaaca baarlamaanka Soomaaliya oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Su’aalaha inta badan aan weydiin doonno mas’uuliyiintan waxaa ka mid ah sida uu weerarku ku dhacay iyo sababta keentay in laga hortegi waayo”.

Weerarkii Westgate Mall ayaa waxaa sheegatay Xarakada Al-shabaab kaasoo sababay inay dhintaan in ku dhow 70-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro ku dhow 200 oo qof, kuwaasoo ahaa dadkii goobta ka adeeganayay xilligii uu dhacay weerarka iyo kuwo lagu qabsaday.

Sidoo kale Hay’adaha ammaanka Kenya ayaa waxay dhowr jeer isku eedeeyeen inay mid walba dayacday ammaanka Kenya, taasna ay keentay inay Al-shabaab fursad u hesho inay weerarkan oo maalmo qaatay ku qaaddo dhismaha xarunta Westgate Mall.

Balse Taliyaha  hay’adda nabadsugidda Kenya ayaa horay u sheegay in weerarka ay ka digeen hal sano ka hor, inkastoo taliyaha booliiska dalka Kenya uu  arrintaas beeniyay, ha yeeshee tani waxay qayb ka tahay is eedeynta hay’adaha kala duwan ee ammaanka Kenya.

Dhanka kale Wasiirka arrimaha gudaha Kenya, Ole Lenku oo warbaahinta dhowr jeer kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid si kaddis ah ku dhacay, isagoo xusay in weerarkan ay ka dhiganayaan tusaale ayna ka hortegi doonaan kuwo kale oo dhaca.

Wasiirku wuxuu sheegay inay adkeyn doonaan xuduudaha dalka Kenya ay la leeyihiin dalalka ay dariska yihiin, gaar ahaan Soomaaliya oo uu sheegay inay dhibaatada amni-darro ee ugu badan ay kaga timaaddo.

SomaliSwiss      Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: