Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya oo Saakey dib ugu soo nabad noqday Laabtay Dalka.

Madaxweyne xasan oo soo laabtay.jpg1Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Saakey dib ugu soo nabad noqday Laabtay Dalka, waxaana  garoonka diyaaradaha Aadan Cadde si diiran ugu soo dhaweeyay gudoomiyaha Baarlamanka,  ku simaha R/wasaaraha, Wasiirro, xildhibaanno iyo saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida. DAAWO VIDEO.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safarro shaqo ku soo kala bixiyay wadamada Biljim, Talyaani iyo Mareykanka, isagoo magaalada Brussles uga qeybgalay shirkii New Deil ee dalkeena dhaqaalaha loogu yaboohay, sidoo kale madaxweynaha ayaa booqday dalka Talyaaniga wuxuuna halkaasi kulamo kula soo qaatay mas’uuliyiinta dalkaasi.

Madaxweynuhu wuxuu safarkiisii ugu dambeeyay ku soo maray dalka Mareykanka,   isagoo halkaasi kulamo kala duwan kula soo qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool gobolada Washinton iyo Ohio, wuxuuna Newyork uga qeybgalay shirlka Qaramada Midoobay oo uu ka jeediyay khudbad taariikhi ah.

Madaxweyne xasan oo soo laabtay.jpg1.jpg2Dhanka kale Madaxweynaha ayaa intii uu joogay Mareykanka waxaa uu kulamo gooni gooni ah la qaatay siyaasiyiin ka tirsan Mareykanka oo uu ka mid ahaa xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka, sidoo kale wuxuu halkaasi kula kulmay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo siyaasiyiin kale oo ka tirsan wadamada caalamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gudaha garoonka diyaaradaha ku qabtay shir jaraa’id ayaa ka warbixiyay safarkiisii isagoo tilmaamay inuu ahaa mid guul u soo hooyin doono dadka iyo dalka Soomaaliya.

Madaxweyne xasan oo soo laabtay.jpg4SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: