Hoggaamiyihii weerarkii Westgate Mall oo la sheegay in uu Sarkaal hore oo ka tirsanaa Ciidamada Gaarka ah ee Kenya.

hoggaamiyihii Westgate_terrorQaar ka mid ah Warbaahinta dalka Kenya, gaar ahaan Telefishinka Channel 4 ayaa sheegay in la ogaaday in weerarkii xarunta ganacsiga ee Westgate Mall uu hoggaamiye ka ahaa nin u dhashay dalka Kenya oo horay uga tirsanaa ciidamada gaarka ah ee dalkaas.

Waxaa lagu sheegay ninkan  magaciisa “Cumar“ ayaa la sheegay inuu ahaa qof Kristiaan ah, balse uu diinta Islaamka qaatay sannado dambe, isagoo tababar ku qaatay saldhig ay Al-shabaab ku leedahay deegaanka Raas-kambooni ee gobolka Jubbada Hoose.

Sida la sheegay in sannadkii 2005 uu Cumar  safar ku tegay Soomaaliya, kuna  biiray Kooxda Xarakada Al-sbabaab, isagoo dib ugu laabtay Kenya, kaddib muddo badan oo uu tababare u ahaa xoogagga Al-shabaab ee Soomaaliya.

Wararka soo baxaya ayaa sheegay in isaga iyo ruux kale oo Soomaali ah ay hormuud  u ahaayeen weerarkii Westgate Mall, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 76 qof oo ay ku jiraan ciidamada Kenya iyo shan ka mid ah kooxihii weerarka geystay.

Waxaa lagu soo waramay in Ninka Soomaaliga ah la sheegay in lagu magacaabo Khadab uuna ka mid ahaa dadka ganacsiga ku haystay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi halkaasoo ay daggan yihiin Soomaalida ku nool xarunta dalka Kenya.

Ninkan ayaa la sheegay in lagu xiray Soomaaliya ayna jirdil u geysteen ciidammo ka tirsan sirdoonka Mareykanka ee CIA-da oo Muqdihso ku leh saldhig ay baaritaannada ku sameeyaan.

Sidoo kale warar ayaa sheegaya in markii la xirayay Khadaab uu ka yimid deegaan ay maamusho Al-shabaab, inkastoo markii dambe la iska sii daayay, isagoo u wareegay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Dhanka waxaa la sheegay in Dowladda Kenya weli kama aysan hadlin warkan ku saabsan in weerarkii Westgate Mall uu hoggaaminayay nin u dhashay dalka Kenya oo ka mid ahaa Xarakada Al-shabaab, inkastoo ay horay u soo baxeen warar lagu sheegay inay weerarkaas hoggaaminaysay haweeney u dhalatay Britain.

Si kasta ha ahaatee Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa horay u sheegay in weerarkaas ay iyagu abaabuleen ayna fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan xoogaggooda oo horay loogu diyaariyay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

SomaliSwiss      Nairobi

SomaliSSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: