Advertisements

Ciidmada Ammaanka Soomaaliya oo xalay soo qabteen 7 qof Hub iyo Walxa qaraxa ku heystay guri ku yaala Degmada Shibis.

Hub la qabtayWaxaa xalay ciidamada ammaanku Soomaaliya ay howlgal ka sameeyeen qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana lagu soo qabtay dad la rumeysan yahay iney ka tirsan yihiin Xarakada Al-Shabaab, oo hub iyo walxaha qarxa ku heystay guri ku yaala degmada shibis.

Degmooyinka ka tirsan gobolka Banaadir oo xalay ay ka sameeyeen howlgal ciidammada hey’adaha ammaanka Qaranka ee Nabad Sugidda iyo Booliska ayaa lagu soo qabtay dadkan oo tiradooda ay tahay Todoba qof, isla makraana qof ka mid ah ay tahay Haweeney aad u da’yar, kuwaas oo sidoo kale lala soo qab tay Hub noocyo kala duwan leh.

Sidoo kale hubka ay soo qabteen hey’adaha ammaanka Qaranka ayaa waxaa ka mid ahaa qoriga loo yaqaanno Hoobiyaha, qoryaha nooca fudud ee gacanta laga gano, Daraagis iyo Cirbadaha dadka lagu duro marka ay fulinayaan weerarrada argagixiso sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiisha hey’adaha amniga.

Saraakiisha ammaanka ayaa Warbaahinta u xaqiijisay in dadka la soo qab-qabtay  ay hormuud ka ahaayeen guddoomiyaha Waaxda Afaraad ee degmada Shibis, guddoomiyaha laanta koobaad ee Calasow dheere iyo guddoomiyaha Tabeelaha afaraad ee waaxda Koobaad, nin isagu sheeganayey in uu yahay Ganacsato iyo Haweney oo iyana ku sugnayd guriga ay ciidammada amniga Hoobiyaha iyo Hubka kale la soo qabteen.

Sida ay sheegeen Saraakiisha hey’adaha ammaanka Qaranka  in Qoriga Hoobiyaha ah dhowr habeen qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho lagu soo garaacay, balse iyagu ay sameynayeen baaritaanno dheeri ah si loo kala caddeeyo cidda sida rasmiga ah ugu lugta leh howshani aragixisanimo.

Dhanka kale hey’adaha amniga Qaranka ayaa Warbaahinta Qaranka u soo bandhigay Miinooyin ay ku soo qabteen howlgallo ay ka sameeyeen Isgoysa Hodan iyo Baar Bakiin oo ku yaalla degmada Howl-wadaag ee gobolka Banaadir.

hey’adaha ammaanka Qaranka ayaa sidoo kale Todobaadkii hore ay Muqdisho ku soo bandhiggeen Hub kala duwan oo ay Walxaha Qarxa ku jiraan, kuwaas oo laga soo qabtay mid ka mid ah Hotellada ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaana ciidammada amiga Qaranka ay Muqdisho ka sameeyaan howlgallo habeen iyo maalin ah, kuwaas oo lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada iyo cid walba oo nabadda diiddan.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: