Xoghayaha Guud ee Qaramada Midowbey, Ban-Ki-Moon ayaa  xafiiskiisa kula kumay Madaxweyne xasan Sheikh Maxamuud, waxayna kala wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac.
Ban-Ki-Moon wuxuu hadalkiisa ku billaabay ammaan uu u soo jeediyey M/weynaha Soomaaliya mudane xasan Sheikh Maxamuud hoggaanka iyo maamulka wanaagsan ee uu-wado.
Sidoo kale wuxuu Ban-Ki-Moon sheegay in Qaramada Midowbey ay mar walba diyaar u tahay iney taageerto dowladda uu u hoggaanka u haayo M/weyne Xasan Sheikh.
Madaxweynaha oo isna ka hadlay kulankaas wuxuu uga mahad celiyey Ban-Ki-Moon si loogu soo dhaweeyey xarunta weyn ee Qaramada Midowbey, sidoo kale wuxuu ka warbixiyey guulihii ay dowladda Somaliyeed ay gaartay tan iyo markii uu hoggaanka qabtay.
Dhanka kale M/weynaha ayaa Ban-Ki-Moon uga hadlay arrimaha la xiriira nabad gelyada, siyaasadda, xuquuqul Insaanka, shirkii Brussels iyo guud ahaan warbxin dhinac walba taabaneysa ee Soomaaliya, wuxuuna Ban-Ki-Moon ka codsaday in taageero buuxda la siiyo Ciidamada Xoogga Dalka Somaliyeed si ay uga hortagaan khatarta ay wadaan Al-Shabaab.
Ugu danbeyntii, M/weyne Xasan Sheikh wuxuu  u tacsiyadeeyay M/weynaha Kenya Uhuru iyo dhammaan shacbiga Kenya dhibaatadii dhawaan ka soo gaartay West Gate oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.
M/weynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh wuxuu Ban-Ki-Moon ka codsaday in shaqaalaha Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya ay u soo guuraan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
SomaliSwiss    New York
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.