Soomaali ku dhaqan Gobolka Minnesota oo dhigay bannaanbax looga horjeedo weerarkii lagu qaaday Suuqa Westgate Nairobi.

Minnesota.jpg1Soomaali ku dhaqan Magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ayaa waxay  dhigeen bannaanbax looga horjeedo weerarkii lagu qaaday Suuqa Westgate Nairobi ee dalka Kenya.

Minnesota.jpg2Bulshada bannaanbaxaysay ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqatay sida ay uga xun yahiin wixii ka dhacay Westgate Mall. Jamaal Cismaan  Xasan oo ka mid ahaa dadkii dibadbaxa ka hadlay ayaa ka warramay dhib kasoo gaartay labo gabdhood oo uu waalid u yahay oo maalintii uu dhacayay weerarku ku sugnaa suuqa Westgate, isagoo cambaareyn adag dusha ka saaray Al-shabaab oo sheegtay inay weerarkaas ka dambeysay.

Sidoo kale, waxaa bannaanbaxaas ka hadashay Nimco Cabdullahi Axmed oo mid ah dadka dibadbaxaas ka soo qayb galay waxayna tiri: “Haddii xilli hore ay dhallinyaro ka tagtay magaaladeenna Minneapolis taasi ma ahan macnaheedu inay dhallinyaradeennu taageero u hayaan Al-shabaab warkaasuna waa mid ay baahiyaan warbaahinta caalamka”.

MinnesotaWaxaa kaloo bannaanbaxaas yimaaday oo ka soo qayb galay warbaahinta caalamka oo aad moodo inay guryo kumeel gaar ah ka samaysteen xaafadda ay Soomaalidu ka deggen yihiin gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Dhanka kale, waxaa dibadbaxa ka hadlay xubno ka tirsan jaaliyadda Kenya ee ku nool gobolka Minnesota, waxanna ka xusi karnaa khudbadii Ibraahim Baraaki, isagoo muujiyay dhibtii halkaa ka dhacday sida uu uga xun yahay, wuxuuna sheegay in Al-sbabaab ay dhibaato ku hayso Soomaaliya iyo sidoo kale dalalka ay dariska yihiin.

SomaliSwiss    Minneapolis

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: