Dowladda Kenya oo shaaca ka qaaday iney kaalin weyn ka qaadan doonto dagaalka lagu soo afjarayo kooxda Al-Shabaab.

KenyaDowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday iney kaalin weyn ka qaadan doonto dagaalka lagu soo afjarayo kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab,  ayadoo dowladda Kenya ay ciidammadeeda qeyb ka yihiin ciidammada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya.

Kenyan Army Mall.jpg1Wasiirka arimaha gudaha iyo amaanka Qaranka ee dowlada Kenya Josef Olelenku  ayaa u  sheegey wakaalada waraarka ee Reuters n n ay sii wadi doonaan gulufka colaadeed ee lagu soo afjarayo  kooxda Shabaab  ‘’waxaanu aadenay in aanu ka hortagno khataraha shabaab kamana laba labayn doono la dagaalanka shabaab’’ ayuu hadalkiisa ku daray wasiirka arimaha gudaha.

Sidoo kale Kooxda Shabaab ayaa ku hanjabatay in ay weeraro hor leh ka gaysan doonaan Kenya, haddii ciidamadeeda aysan Soomaaliya ka saarin, taasi oo u muuqata mid aan wax saameyn ah ku yeelan doonin go’aamada lagula dagaalamayo Shabaab.

Sidoo kale dowlada Kenya ayaa sheegtay inay sii hayn doonto ilaa Sideed ruux oo lagu tuhmayo in ay ka qeyb qaateen werarkii ka dhacay Westgate ee Nairobi kuwaasi oo hataan baaritaano ay ku socdaan.

Dhanka kale hadalka ka soo baxay wasaarada arimaha gudaha  ee dowlada Kenya ayaa ka dambeyeey kadib markii dhawaan kooxda Shabaab ay weerar ku qaadeen suuqa lagu magacaabo Westgate ee magaalada Nairobi,  waxaana ma’suuliyiinta dowlada Kenya ay xuseen in aanay dhegna jalaq u siindooniin dalabka argagixsada Shabaab ee ahaa in Kenya ciidankeda ay kala baxdo Soomaaliya.

SomaliSwiss     Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: