Ra’iisul-Wasaare Shirdoon (Saacid) oo Magaalada Ankara kula kulmay dhiggiisa dalka Turkiga.

OLYMPUS DIGITAL CAMERARa’iisul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon  ayaa xalay kulan kula yeeshay magaalada Anrka ee xarunta dalka Kenya, ra’iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan iyagoo kawada hadlay xiriirka labada dal iyo iskaashiga u dhexeeya.

Ra'iisalwasaare Saacid_TurkigaLabada Mas‘uul ayaa si wadajir ah uga tacsiyeeyay shacabka iyo xukuumadda Kenya weerarkii argagixiso ee lagu qaaday Westgate Mall. Iyagoo sheegay inay ka xun yihiin weerarkaas iyo dadkii shacabka ahaa ee waxyeelladu kasoo gaartay.

Balse Ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya ayaa kulanka ka sheegay in weerarkii lagu qaaday safaaradda Turkigu aysan ahayn oo kaliya weerar lagu qaaday shaqaalaha rayidka ah ee Turkiga, balse uu ahaa mid lagu qaaday shacabka Soomaaliyeed, isagoo danta laga leeyahay ku sheegay curyaaminta howsha samafalka ah ee Turkiga ay ka wadaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga oo isaguna kulanka hadal ka jeediyay ayaa yiri: “Mashaariicda aan Somalia aan ka fulinayno waxay kaalin mug leh ka qaateen dib-u-soo celinta rajada dalka Soomaaliya, hormarinta ammaanka, abuurista shaqooyinka iyo sidii Somalia ay u heli lahayd dariiqa saxda ah ee dib-u-kabashada iyo dib-u-dhiska dalka ah,” ayuu yiri Recep Erdogan.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Turkiga wuxuu soo dhaweeyay xiriirka dhow ee labada dal, heshiisyada labada dowladood ay wada gaareen iyo iskaashiga ay wadaagayaan Turkiga iyo Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii  dawladda iyo shacabka Turkiga uga mahadceliyay sida ay u gacan qabteen Somalia isla markaana wuxuu soo dhaweeyay mashaariicda aan joogsiga lahayn ee Turkigu uu ka wado Soomaaliya, sida dhismaha hay’adaha dawladda, cadaaladda, wax-barashada, caafimaadka iyo dib u soo noolaynta adeegyadii bulshada, isagoo sheegay inuu rajaynayo in mar kale Erdogan soo booqdo Soomaaliya.

SomaliSwiss       Ankara

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: