Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya oo Khudbad dhinac walba taabanaysa Ka Jeediyay Shirka Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha Soomaaliya UNMadaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta khudbad dhinac walba taabanaysa ka jeediyay Xarunta Qaramada midoobay. HOOS KA DAAWO VIDEO-GA

waa markii ugu horeysay ee muddo 22 sano ah ay dowladda caalamku aqoonsan yahay ka qeyb gashay shirkaan, wuxuuna ka hadlay amuuraha horyaala gaar ahaan, amniga Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay in la taagero hey’adaha dowliga ah ee Soomaaliya. Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Somalia waxey gadaal iska dhigtay 22sano oo dagaal sokeeye ah’’, wuxuuna raaciyey in horumar badan la gaaray xagga maamulka maaliyadda, xiriirka goboladda iyo in sal adag loo taago hey‘adaha dowliga ah, waxaana la hiigsanayaa in 2016 doorasho xor ah ay ka dhacdo dhamaan Soomaaliya oo dhan.”

Ugu horreyntii Madaxweyne Xassan Sh. Maxamuud ayaa wuxuu faafaain ka bixiyey horumarka iyo heshiiska Hiigsiga Cusub ee (New Deal) ee lagu saxiixay Brussels bartamaha bisha Septmber 2013 kuna booriyayna beesha caalamka in ay u istaagan is bedel dhab ah. Si uu shaqeeyo New Dealka waa in aysan noqon hadal ee waa inuu noqdaa mid mira dhal, Shacabkeena wax badan ayey naga filayaan waa in aan ka soo baxnaa in arimaha bulshana ay dowladda gaarsiiso dalka oo dhan si shacabku ay u dareemaan kalsooni”.

Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka hadlay arrintii ka dhacday dalka Kenya wuxuu yiri: “Al-­Shabaab waa la dagaalanay waana ka guleysanay.Inta hartayna waxaan kula dagaalami doonaa baadiyaha, tuulooyinka iyo meel kasta ay oo ay ku harsan yihiin. .waan uga guuleysanay dagaalkii fool ka foolka ahaa, hadana waa in aan ka guuleysano fikirkooda sunta ah anagoo isticmaaleyna, technologiyada casriga ah iyo wax barashada”.

Madaxweynaha ugu danbeyn ayaa maalinta beri ah wuxuu soo gaba-gabayn doonaa safarkiisa shaqo uu ku joogay dalka Maraykanka, isla berina ka dhoofi doona magaalada New York.

SomaliSwiss    New York

SomaliSwiss@hotmail.com

<span>%d</span> bloggers like this: