Dadkii ku dhintay weerarkii Westgate oo loo sameynayo baroordiiq iyo tirada dhimashada oo la sheegay inay sii korortay.

Uhuru Kenyatta 3Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta  uu shaaciyay in 72 qof oo ay ku jiraan 5 kamid ah kooxihii weerarka qaaday ay ku dhinteen dagaalkii 4-ta maalmood socday,  ayaa wararka ay warbaahintu helaysaa waxay muujinayaan in dhammaan dadkii afduubka loogu haystay gudaha xaruntaas maydadkoodu ay ku hoos jiraan dhismayaashii burburay.

Baroordiiq KenyaJariidada The Standard oo ka mid ah wargeysyada ugu afka dheer dalka Kenya ayaa sheegay in xalay oo Talaado ahayd tobonnaan kamid ah dadkii afduubka loo haystay maydadkoodii laga helay burburkii 3 dabaq oo ku duntay qaraxyadii iyo dabkii ka kacay xarunta Westgate markii ay socdeen dagaalka lagula jiray kooxdii weerarka fulisay oo gudaha ku haysatay dad aan tiradooda la xaqiijin Karin.

Qaar ka mid ah Warbaahinta dalka Kenya qaarkeed ayaa baahiyeen  in loo malaynayo 70 qof oo la la’yahay inay kamid yihiin dadka maydadkoodu ay ku hoos jiraan burburka dhismaha.

Sidoo kale Dawlada Kenya ayaa waxay ku howlan tahay baaritaano iyo tijaabooyin laga qaadayo maydadka rag loo malaynayo inay ahaayeen kooxihii hubaysnaa ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho halka ay ku dambeeyeen dadkii afduubka loo haystay oo ay haatan cadaatay inaan jawaab loo haynin meesha ay mareen.

Sida lagu soo warramay inta badan wargeysyada Kenya ayaa waxay qorayeen inay cidina ka badbaadin dadkii afduubka loo haystay, balse haatan waxaa lagu mashquulsan yahay baaritaannada cidii ka dambaysay falka weerarkaas.

Baroordiiq Kenya.jpg1Dhanka kale magaalada Nairobi waxaa laba maalin ka soconaya  barooqdiiq loo sameynaya dadkii ku nafwaayey Weerarkaas, waxaana  hoos loo dhigay calanka Kenya, dadkii ay qaraabadoodu dhimatayna ay wadaan aaska loo samaynayo dadkii ku geeriyooday weeraradan oo ahaa kuwii ugu khasaaraha badnaa ee Kenya gil-gila tan iyo 1998, xilligaas oo qarax loo gaystay safaaraddii Maraykanka ay ku dhinteen 250 qof oo isugu jiray Kenyan iyo ajaanib.

Sheikh Aadan Wachu oo ah Xog-hayaha golaha sare ee Muslimiinta Kenya ayaa shaaciyay in muslimiintu ay ka qayb qaadan doonaan aas qaran oo maanta loo samaynayo dadkii ku dhintay weerarka, isagoo sheegay in aan diinta Islaamka loo nisbayn Karin kooxihii weerarka qaaday oo uu ku tilmaamay inay ahaayeen balaayo aan diin haysan.

Khuburo ka kala timid Wadamada Israel,Germany, Maraykanka,Britain iyo dalal kale oo Kenya ay saaxiib yihiin ayaa ka qayb qaadanaya baaritaannada, iyagoo ka caawinaya Kenya baaritaanka DNA-da iyo faro laga qaadayo dad laga soo saaray burburka hoostiisa oo loo malaynayo inay yihiin kooxihii weerarka gaystay.

Balse Kooxda Alshabaab ee ka tirsan Ururweynaha Alqaacida oo weerarkan mas’uuliyaddiisa sheegatay ayaa shaacisay dhimashada inay gaarayso 137, inkastoo warkaas aan si rasmi ah loo xaqiijin Karin.

Si kasta ha ahaatee dawladda Kenya oo dhimashada rasmiga ah ku sheegtay inay gaarayso 72 qof oo ay ku jireen 5 kamid ah raggii hubaysnaa ee weerarka qaaday ayaa culays badan kala kulmaysa warbaahinta gudaha oo doonaysa in dawladu ay shacabka u iftiimiso khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarradii xarunta ganacsiga ee Westgate

SomaliSwiss     New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: