Shacabka iyo Baarlamaanka Kenya oo Saluugay shaqadii loo igmaday hay’adaha ammaanka, kadib weerarkii Xarunta Ganacsiga ee Westgate.

Parliament_Buildings,_Nairobi,_KenyaBaarlamaanka  Kenya ayaa shalay galinkii dambe yeeshay kulan looga hadlayay ammaanka dalka kadib markii Al-shabaab ay ku qaaday weerar khasaare badan dhaliyay oo lala beegsaday xarun ganacsi  oo ku taalla xaafada Westlands oo kamid ahayd meelaha ugu ammaanka fiican ee magaalada Nairobi.

Kulankan oo furay Gudoomiyaha Baarlamaanka Kenya Mr. Justin Muturi  ayaa ka dalbaday xildhibaanada inay sameeyaan hal daqiiqo oo aamusnaan ah si loo xuso dadkii ku dhibaatoobay weerarkii argagaxa badan dhaliyay ee lagu qaaday Westgate.

Xildhibaanada ayaa muujiyay sida ay u dhaliilsan yihiin hay’adaha ammaanka iyagoo is waydiiyay sida loo soo galiyay dalka hubkii tirada badnaa ee isticmaaleen kooxdii weerarka soo qaaday, kaasoo keenay in ciidamada ay ku qaadato afar maalmood kadib la soo gabagabeeyo weerarkaas.

Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Joyce Laboso oo arrintaa ka hadlay wuxuu yiri: “Waa in su’aalo adag la waydiiyaa saraakiisha ammaanka waayo waxaa ku baxa lacag fara badan oo canshuur bixiyayaasha laga soo qaado”.

Sidoo kale Xildhibaanka laga soo doorto Westlands Timothy Wanyonyi  oo ay ku taallo xarunta Westgate ee lala beegsaday weerarka ayaa dalbaday in dib loo eego shaqada ay hayaan saraakiisha ammaanka oo uu ku tilmaamay inay ku guul darraysteen shaqadii loo igmaday.

 Mr. Westlands oo is waydiiyay sababta keentay in sir-doonka waddanku ogaan waayaan dhaqdhaqaaqyada ay samaynayeen kooxda weerarka fulisay wuxuu yiri: “Weerarkani ma ahayn mid si kadis ah ku dhacay ee wuxuu ahaa mid lasoo qorsheeyay oo muddo dheer laga shaqeeyay”.

Mudane Aadan Barre Ducaale oo ah Hogaamiyaha xisbiga talada haya ee aqlabiyada leh ayaa ku tilmaamay weerarka Westgate inuu ahaa mid hurdada ka kiciyay dawlada oo ay tahay inay dib u habayn ku samayso hay’adaha ammaanka ee dalka.

Sidoo kale Ducaale wuxuu yiri: “Waxaa la gaaray xilligii aan qiimayn ku samayn lahayn saakiisheena ammaanka, waxaa la gaaray xilligii aan is waydiin lahayn shaqo noocee ah bay hayaan raga iyo haweenka maamula ammaanka dalkeena, ammaankeenu waa muhiimada koowaad, waxaan hubaa in madaxweynaha iyo dawladiisa ay wax ka qaban doonaan arrinkan”.

Hogaamiyaha xisbiga aqlabiyada ayaa ka dhawaajiyay in magaalada Gaarisa oo isaga laga soo doorto ay ka dhaceen weeraradii ugu badnaa ee argagixiso wuxuuna sheegay in weerarada Gaarisa ka dhacay ee kaniisadaha lagu qaaday in looga gol lahaa sidii Kenya loo galin lahaa dagaal u dhexeeya muslimiinta iyo masiixiyiinta.

Dhanka kale Marka laga soo tago xildhibaanada, dadweynaha Kenya ee warbaahinta la hadlay ayaa dalbaday in la dhimo mushaaraadka ay qaataan xildhibaanada baarlamaanka oo lacagtaas loogu kordhiyo miisaaniyada hay’adaha ammaanka oo ay ku dhaliileen inay ku guul darraysteen weeraradii bilowday sabtidii oo ahaa kuwo lala yaabay qaabka loo soo qorsheeyay.

Si kasta aarintu ha u dhacdee Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa xalay ku dhawaaqay inuu dhammaaday hawgalkii ciidamadu ay ku soo afjarayeen kooxihii weerarka qaaday isagoo sheegay in Kenya ay ka guulaystay argagixisada.

Balse wararkii ugu danbeeyey ayaa sheegaya in weerarkaas ay ku dhintay 62 oo shacab ah, 6 kamid ah askarta Kenya iyo 5 kamid ah ay yihiin kooxihii weerarka qaaday.

SomaliSwiss      Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: