Qaramada Midoobay Iyo Midowga Afrika oo si wadajir ah Shaaca uga qaadeen inay la dagaalamayaan Argagixisada.

Qaramada Midoobay iyo Midowga AfrikaQaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa si wadajir ah Shaaca uga qaadeen  inay la dagaalamayaan Argagixisada iyo xarakada Al-Shabaab ee ka dagaalanta guud ahaan Geeska Afrika, gaar ahaan Dalka Soomaaliya.

Mr. Niclos Kay oo ah Danjiraha Qaramada Midoobay u Fadhiya Soomaaliya oo warbaahinta kula hadlay magaalada Gineva ee dalka Swezirland ayaa caddeeyay mowqifka Qaramada Midoobay ee ku aadan la dagaalanka argagixisada Al-Shabaab, wuxuuna Danjiruhu muujiyay sida Qaramada Midoobay haatan ay diyaar ugu tahay xoojinta la dagaalanka argagixisada Geeska Afrika ee Shabaab.

Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa ka dalbaday beesha caalamka in la sii laba laabo dadaalka loogu jiro la dagaalanka argagixisada caalamka gaar ahaan kooxda Shabaab, isagoo intaa ku daray inaan loo dulqaadandoonin ficilada guracan ee kooxda Alshabaab.

Sidoo kale  Midowga Afrika ayaa isna hadal kaa la mid ah ka soo saaray falkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Nairobi oo ay sheegeen iney tahay wax laga xumaado.

Dhanka kale Ku xigeenka gudoomiyaha gudiga fulinta ee Midowga Afrika Eristes Mwanja  ayaa warbaahinta u sheegay in Midowga Afrika ay ka go’antahay joogteeynta la dagaalanka argagixisada.

Hase ahaatee hadalka isku mid ah ee ka soo yeeray Qaramada Midogay iyo Midowga Afrika ayaa imaanaya xilli kooxda Shabaab ay sheegatay mas’uuliyada weerarkii ka dhacay dhismaha ganacsiga Westgate ee magaalada Nairoobi.

SomaliSwiss      New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: