Madaxweyne Xasan Sheikh oo sheegay in kooxda Al-shabaab aysan khatar ku ahayn Soomaaliya iyo Afrika oo keliya.

Madaxweyne Xasan USAMadaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo wali ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay in kooxda Al-shabaab aysan khatar ku ahayn Soomaaliya iyo Afrika oo keliya, balse ay khatar ku tahay guud ahaan caalamka .

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay Mareykanka ayaa sheegay in khatarta ay ku hayso Al-shabaab dunida ay caddeyn u tahay weerarkii ay la beegsadeen xarunta ganacsiga Westgate Mall ee magaalada Nairobi, Balse khatar Al-Shabaab ay ku sii baahayso dalalka Afrika iyo kuwa caalamka oo dhan.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in loo baahan yahay dunida oo dhan inay u midoobaan sidii kooxdan loo jabin lahaa, isagoo xusay inay ka go’an tahay dowladda Soomaaliya inay ammaanka dalka adkeyso ayna ka adkaato Al-shabaab.

Sidoo kale, horraantii bishan ayuu madaxweynaha Soomaaliya ka badbaaday isku day ay ku doonaysay Al-shabaab inay ku disho, kaddib markii gaadiid uu watay oo ku socday degmada Marko lagu weeraray miinooyin waddada dhinaceeda lagu aasay.

Imaamka Ibraahim Baraki oo ka mid ah mas’uuliyiinta masaajidka weyn ee Abuubakar Al-Sadiiq iyo xarunta waxbarashada ee masaajidkaas oo ku yaal magaalada Menneapolis ee gobolka Minnesota ayaa shaki weyn geliyay inay Al-shabaabku muslim yihiin.

Sheekh Baraki wuxuu yiri“Al-shabab waa dambiilayaal,” wuxuuna intaas ku daray. “Ma ahan Muslim, waayo waxay bedeleen barashada islaamka. Ujeeddada ugu weyn ee ay leeyihiin waa sidii ay dunida uga abuuri lahaayeen qas.”

Dhanka kale Al-shabaab ayaa sheegatay inay mas’uul ka ahayd weerarkii lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate Mall oo ahayd goob ay ka dukaameystaan dadka reer galbeedka ah ee ku nool Kenya iyo shacabka Kenya ee hantida haysta,  weerarkaas ayaa la sheegay inay ku jireen dhallinyaro Soomaaliyeed oo ka tagay dibadda, kuwaasoo la sheegay inay ka yimaadeen dalalka Yurub qaar ka mid ah Mareykanka.

SomaliSwiss     New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: