Madaxweyne Xasan oo Ka Qeybgalay Shirka Qaramada Midoobay, Kulana la yeeshay Madax ka tirsan Caalamka.

Madaxweyne  xasan Kulan.jpg1Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay shirka sanadlaha ah ee Q.M. wuxuuna Madaxweynaha uu kulamo gaar gaar ah kula qaatay magaalada New York madax ka tirsan Caalamka.

Madaxweynaha  kulan.jpg3Sidoo kale Shirkan sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay oayaa shalay ka furmay magaalada New York ayaa waxaa ka qeybgalay 194 dal. Waxaana madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kulamo gaar ah la qaatay qaar ka mid ah madaxda ka qeybgaleysa kulankaasi.

Madaxweynaha waxa uu la kulmay ka mid ahaa Wasiirka arrimaha dibada ee Boqortooyada Sacuudiga,  Sacuud Bin Feysal waxa ayna ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iskaashi dhinacyada dhaqaalaha iyo amaanka ah.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibada Mareykanka ee arrimaha Afrika.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada New York uga qeybgalay shirar kala duwan oo ay ka mid ahaayeen kan wadamada Islaamka,  shir looga hadlayay arrimaha Kenya oo ay IGAD soo qabanqaabisay iyo shirar kale.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in ay la kulmaan saacadaha soo socda madaxweynaha Turkiga iyo wasiirka arrimaha dibada ee dalka Norwey.

SomaliSwiss      New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: