Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo caalamka uga baaqay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab.

Nick-KayDanjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa ku baaqay in la xoojiyo dagaalka lagula jiro Al-shabaab laguna kordhiyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya 5,000 oo askari oo dheeraad ah.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nicholas Kay ayaa aad u cambaareeyay weerarkii ay Al-shabaab Sabtidii ku qaadday dhismaha ganacsiga Westgate Mall halkaasoo ay maalmo gacanta ku hayeen xoogaggii weeraray uuna ka dhashay khasaare badan oo isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.

Mr. Nocholas Kay oo ku sugan dalka Switzerland wuxuu yiri: “Al-shabaab waxay khatar weyn ku tahay caalamka oo dhan, waana in la xoojiyo dagaalka lagula jiro si loo hakiyo khatartaas muuqata”.

ergaygu wuxuu sheegay in Al-shabaab ay khatar ku tahay dib u soo celinta ammaanka Soomaaliya oo caalamka iyo Soomaalidu ay aad ugu howlan tahay, isagoo xusay in haddii fursadda maanta ay Somalia haysato ay noqonto mid aan guuleysn ay Al-shabaab dagaalkooda ku baahin doonto Afrika iyo calaamka intiisa kale.

Sidoo kale, Nocholas Kay ayaa sheegay in ciidamada AMSIOM oo la kordhiyo ay fursad u noqonayso in Al-shabaab laga adkaado, isagoo sheegay in kooxdan horay looga saaray deegaanno badan oo Soomaaliya ka tirsan.

Si kasta ha ahaatee waxaa la yaab ah in xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab ay afar maalmood gacanta ku hayeen Xarun suuq ganacsi ah oo ku yaalla Nairobi, waxaana weerarkaasi uu noqonayaa kii ugu xumaa ee Al-shabaab ay Kenya ka geysato.

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: