Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo xalay soo gaaray Geneve ee Dalka Switzerland, maantana ka qaybgalaya shirka caalamiga ah .

???????????????????????????????Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa xalay Sagaalkii fiidnimo soo gaaray magaalaa Geneve ee waddanka Switzerland, iyagoo uga sii gudbi doona dalka Turkiga.

???????????????????????????????HUMAN RIGHTS 1

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo wafdigiisa waxaa garoonka magaaladda Geneve ee dalkan ku soo dhaweeyay mudane Amadeo Perez oo ah Safiirka Switzerland u fadhiya Xarunta Q.M ee Geneve, Mudane Jean-luc Chopard oo ah madaxa qaybta hab-maamuuska Geneve ee Switzerland, Safiirka Soomaaliya u fadhiya Xafiiska Q.M ee Geneve Mudane Yusuf Bari-bari iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerland.

Ra’iisalwasaare Saacid oo ka qaybgalaya shirka caalami ah ee loogu hadlayo xuquuqda Aaadanaha iyo ka hortaga askaraynta caruurta.

Ra iisaklwasaare saacid oo tan iyo intii uu xilka qabtay aan soo gaaray wadamada Yurub ayay booqashadiisu noqonaysaa tii ugu horaysay, waxaana wafdigiisa ka mid noqondoona xubno ka tirsan golaha xukuumada.

Shirkaan oo ah shir ay qaban qaabinayso Qaramada Midoobay qaybteeda xuquuqda aadanaha ayaa waxaa si weeyn loogu la faguri doonaa arrimaha hortaga xuquuqda caruurta iyo sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda dumarka, taasi oo inta badan lagu eedeeyo dawlada Soomaaliya.

Waa safarkii labaad oo uu Ra’iisalwasaare Saacid bishaan gudaheeda ugu soo anbabaxo dalka dibadiisa isagoo horay safar ugu tagay wadamo ay kamid yihiin Sucuudiga, Yaman waxaana Safarkan uu yahay kii ugu horeeyey uu Qaaradda Yurub gaar ahaan dalkan Switzerland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xubnaha safarkiisa ku wehliya waxaa ka mid ah Marwada Ra’iisul Wasaaraha Xil. Caasha Xaaji Cilmi, Wasiirka Horumarinta adeega Bulshada Drs. Maryann Qaasim Axmad,Wasiirka Garsoorka Mudane Cabdullaahi Ebyan Nuur, afhayeenka Xukuumada Mudane Ridwaan Xaaji, iyo safiirka dalka Geneva u fadhiya dawladda Soomaaliya Mudane Amb. Yuusuf Ismaaciil (Bari-bari) iyo howlwadeeno kale.

Marka uu soo gabagaboobo shirkaasi, ayuu u soo gudbi doonaa Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa dalka Turkiga, halkaasoo ay kulamo kula qaadan doonaan madaxda dalkaasi, waxaana looga hadli doonaa kulamadaasi horumarinta iskaashiga labada wadan ee Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana sidoo kale la filayaa inuu la kulmo jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi oo u badan arday.

SomaliSwis     Geneve

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: