Haweenay u dhalatay Britain ee weerarka Xarunta Westgate hogaamineysay oo lagu dilay Xaruntaas.

xarunta Westgate.jpg2Haweeney caddaan ah ee u dhalatay dalka Britain magaceeduna lagu sheegay  Samantha Lewthwaite ayaa lagu dilay weerarkii ugu danbeeyay ee dhismaha Westgate oo Sabtidii ay qabsadeen kooxaha hubeysan, halkaasi oo ilaa haatan la sheegay in lagu dilay 68 qof.

solo_Lyndsay Jermain.jpg London Terrorist Bombing

Sida lagu qaray Wargeyska Londan ka soo baxda ee Daily mail oo soo xiganeysay Saraakiil ka tirsan ciidamada Amaanka Kenya iyo Wakaaladda wararka Reuters haweeneydaasi ayaa meydkeeda uu yaal gudaha dhismaha Westgate, iyadoo aan jirin cid si dhab ah u xaqiijin karta in ay iyada tahay iyo in kale.

Sidoo kale Wargeysku wuxuu sheegay in qofka la dilay oo loo maleynayo iney tahay Samantha Lewthwaite ay xijaaban tahay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya in meydka qofta dumarka ah ay tahay Samantha Lewthwaite iyo in suuragal ay tahay in qof dumar kale ah oo la dilay loo geliyay dharka indha shareerka iyo cabaada la hogto

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: