Xubnaha joogtada ah ee Q.M oo Cambaareeyey weerarkii lagu qaaday dhismaha Suuqa weyn Ganacsiga ee magaalada Nairobi.

UN_new_yorkXubnaha joogtada ah ee golaha amaanka ee  Qaramada Midoobay ayaa camabaareeyey weerarkii ay sheegteen Xarakada alshabab ee lagu qaaday suuq ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Cambaareynta weerarkii lagu qaaday suuq ku yaal magaalada Nairobi  ayaa  sii kordhaya, waxaana falkaasi  ay ku geeryoodeen in ka badan 30 ruux ku dhawaad 200 ku dhaawacmeen.

Golaha amaanka ee QM ayaa codkooda ku biirayay sida ay uga xun yihiin  falkii wuxuushnimada ahaa ee ka dhacay dhismaha ganacsi ee ku yaala magaalada Nairobi, halkaasi oo weli ay ku xanibanyihiin dad aad u faramadan oo suuqaasi u soo dukaamaysi tagay ka hor inta aanu weerarkaasi dhicin.

Xubnaha joogtada ah golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ee ay horseedayaan dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Ruushka,  Shinaha iyo Faransiiska ayaa warsaxaafadeed  ay ka soo saareen magaalada Newyorka ee xaruunta Qaramada Midoobay  ku shegeen in ay ka xunyihiin dhibaatadaasi,  ayagoo tacsi u diray ehelada dadkii halkaasi ku geeriyooday.

Sida ay qortay Wakaalada wararka Faransiiska AFP iyadoo ay ka soo xiganayso war-muritiyeed goalaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay soo saareen ayaa sheegtay  in goluhu ay wacad ku mareen in la joogtayn doono gulufka colaadeed oo lagula jiro kooxaha argigixsada.

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: