Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo Shacabka Dalkiisa kala hadlay weerarkii weerarkii lagu qaaday suuq Ganacsiga ee Westgate.

Uhuru Kenyatta.jpg4Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo hadalkiisa laga dareemayey murugo aad u balaraan ayaa xalay qalabka warbaahinta kala hadlay shacabka dalka Kenya, wuxuuna ku dhaartay in ciidamada Kenya ay cagta marin doonaan kooxaha argagixisada ah.

Uhuru Kenyatta oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Dowladda waxay u taagan tahay in dalka ay ka difaacdo gardarada gudaha iyo dibadaba uga imaaneeyso,waxaan ku boorinayaa dhamaan dadka Kenyaanka ah in ay is garab istaagaan oo ay dhiig isugu deegaan waqtigan mugdiga ah, islamarkaana warbixino siiyaan mas’uuliyiinta dalka iyo ciidamada ammaanka”ayuu yiri

Sidoo kale Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka ay wadaan howlgal balaaran oo ay uga jawaabaan weerarka,islamarkaana shacabka ay uga badbaadinayaan argagixisada.

Madaxweynaha ayaa ka weeydiistay dadka kiinyaanka in ay u tacsiyaan dadka ay eheladooda waxyeeladu soo gaartay islamarkaana ay taageeraan dadka dhaawacmay ,isagoo sheegay in qaar ka mid ah eheladiisa ay ku dhinteen weeerarka lagu qaaday Westagte.

Wiil uu dhalay  madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ka mid ahaa dadkii ka dukaameeysanayay xarunta Westgate ka hor inta uusan bilaaban weerarka,iyadoo madaxweynaha walaashiis Christine Wambui Pratt laga soo badbaadiyay xarunta wax ka yar ka hor inta uusan biilaaban weerarka.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in la qabtay mid ka mid ah kooxihii weerarka ku soo qaaday Westgate,isaga oo dhaawac ah,waxana markii danbe uu ku geeriyooday isbitaalka.

Hase ahaatee waxaa la yaableh in weerarkan lagu soo beegay maalintii ay qaramada midoobay u asteesay maalinta nabadda aduunka oo ku beegan 21-09 sanad kasta.

Wararka ka imaanaya magaalada xeebta ah ee Mombasa ayaa sheegaya in si weyn loo adkeeyay Ammaanka magaaladaas ka dib weerarki argagixiso ee lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate oo ku taala magaalada Nairobi ee caasimada dalka kenya .

Ilaa haatan waxaa lagu soo warramayaa in Weerarka lagu qaaday xarunta ganacsiga ee Westgate ay ku dhintaeen 40 qof, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 200 oo qof, waana weerarkii argagixiso ee ugu xumaa ee soo mara  taariikhda dalka Kenya marka la reebo weerarkii  argagixiso ee sanadkii 1998dii lagu qaaday safaaradii dowlada maraykanka ay ku lahayd magaalada Nairobi.

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: