Ciidamada Kenya oo weli ku howlan ka saaridda kooxo hubeysan oo shalay qabsaday Xarunta Ganacsiga Westgate magaalada Nairobi.

Nairobi.jpg1Ciidamada Kenya ayaa weli ku howlan ka saaridda kooxo hubeysan oo shalay qabsaday Xarunta Ganacsiga Westgate oo ku taalla bartamaha magaalada Nairobi.

Nairobi.jpg2Warbaahinta dalka Kenya ayaa waxay ku so warramayaan in kooxihii hubeysnaa ay weli ku jiraan qaybo ka mid ah xaruntaas ganacsi, iyagoo halkaas ku haysta dad aad u badan oo isugu jira Kenya iyo ajnabi.

Balse goobjooge Soomaali ah oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Xarunta ganacsiga ee Westage ay weli ka dhacayso rasaas fudud oo ay is-weydaarsanayaan kooxihii hubeysnaa oo gudaha ku jira iyo ciidamada Kenya oo ku sugan qaybo ka mid ah dhismaha iyo bannaankiisa.

Xarakada Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalanta ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerarkan, waxayna ku sheegtay qoraal ay soo saartay in weerarkaas uu yahay mid ay ugu aar-gudayaan dadkii Soomaaliyeed ee ciidamada Kenya ay ku laayeen gudaha Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta hay‘adaha ammaanka dalka Kenya ayaa sheegay in howgalka ay soo gabagabeyn doonaan barqonimada maanta oo Axada ah, iyagoo aan sheegin cid ka mid ah kooxihii hubeysnaa ee weeraray goobtaas oo la qabtay ama la dilay.

Sidoo kale Weerarkan oo noqonaya kii ugu weynaa ee dalka Kenya ka dhaca tan iyo markii ay ciidamada Kenya soo galeen gudaha Soomaaliya ayaa sababay dhimashada in ka badan 40-qof oo uu ku jiro wiil Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Yaasiin.

Xarunta ganacsiga Westgate bannaankeeda ayaa waxaa weli ku sugan shacab aad u fara badan, kuwaasoo ehelladooda lagu haysto gudaha xarunta iyagoo sugaya in ehelladooda ay dibadda u soo baxaa iyagoo nool.

Si kasta ha ahaatee Soomaalida ku nool magaalada Nairobi ayaa sheegaya inay la soo daristay cabsi weyn, kaddib markii weerarkan mas’uuliyaddiisa ay xalay sheegatay Al-shabaabta ka dagaalanta Soomaaliya.

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: