Ciidamada dowladda Soomaaliya oo maanta howlgallo baaritaano ah ka wada suuqa Bakaaraha.

Suuqa BakaarahaCiidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta howgallo baaritaano ah ka wada gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha iyo waddooyinka soo gala, howlgalkaas oo lagu sheegay mid lagu xaqiijinayo amniga guud ee suuqaas.

Howlgalla baaritaanka ah waxaa lagu sameynayaa goobaha ganacsiga iyo qofkii galay suuqa, waxaana inta badan xiran xarumaha ganacsiga ee suuqaas oo ay kusoo laalaabeen falalka ammaan-darrada ah oo ay ugu horreyaan kuwa lagu geysanayo qaraxyada.

Sida la wada ogsoon yahay Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn ee Soomaaliya, kaas oo ka dhacay qarax geystay dhimasho iyo dhaawac, waxaana shalay ka dhacay qarax gaystay dhaawac dadkii uu ka soo gaaray waxaa ka mid ahaa muwaadin u dhashay dalka Yemen.

Sidoo kale goobjoogayaal ku sugan suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in ciidammo aad u fara badan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ay ku sugan yihiin qaybaha uu ka kooban yahay suuqas, iyagoo baaritaanno adag sameynaya.

Saraakiisha hoggaaminaysa howgalkan ayaa warbaahinta qaarkeed u sheegay in howlgalladani ay yihiin kuwo ammaanka suuqa lagu xaqiijinayo, iyagoo aan sheegin cid ay weli kusoo qabteen.

Dhanka kale ilaa haatan ma jirto cid sheegatay qaraxii shalay ka dhacay gudaha Suuqaas, laakiinse saraakiisha ciidamada amniga dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeeyay inay ka dambeysay Al-shabaab uuna qayb ka yahay falalka ammaan-darro ee ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

Suuqa bakaaraha ayaa waxaa bilihii ugu dambeeyay ka dhacayay falal ammaanka kasoo horjeeda oo ay geysanayaan kooxo hubeysan, iyadoo aysan jirin cid loo qabtay falalkaas ammaan-darro, iyadoo Al-shabaab ay horay u sheegtay inay Muqdisho ku sugan yihiin xoogag taageersan oo fulin kara weerar walba ay u baahdaan.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: