Suuq Ganacsi oo ku taalla bartamaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo Kooxo hubeysan Weerartay.

Weerar Suuq NairobiSuuq Ganacsi oo ku taalla bartamaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa Kooxo hubeysan Weerartay, Kooxdaas oo rasaas ku furay suuqdaas oo dad badan ka suuqeysanayey, iyadoo markaas kaddib ay ciidamada booliiska iyo kooxaha hubeysan isku dhaafsadeen halkaas rasaas xooggan.

Suuq Weeraray NairobiHalka weerarkan ka dhacay ayaa waxaa lagu magacabo Westgate, suuqdan oo ka mid ah goobaha ugu mashquulka badan Magaalada Nairobi.

Mr. Kabue oo ah Taliyaha ciidamada booliiska Nairobi, ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in kooxaha hubeysan ay isku dayeen inay dhacaan suuqaas intii aanay bilaaban rasaasta.

Sidoo kale Ganacsatadii ku sugnaa goobtaas ayaa kala firxaday, iyadoo ugu yaraan afar qof ay dhaawacyo kasoo gaareen rasaasta. Wararka qaarkood ayaa sheegaya in shan qof ay halkaas ku dhaawacmeen.

Mr. Rob Vandijk oo ka tirsan shaqaalaha safaaradda Holland ay ku leedahay Nairboi oo ku sugnaa maqaayad halkaas ku taalla ee uu raashin ka cunayay markii kooxdaas hubeysan ay soo galeen, wuxuuna u sheegay Wakaaladda wararka ee AP in ay bam kusoo tuureen goobta ganacsi. sheegay magaciisa,

Mr. Vandijk wuxuu hadalkiisa ku daray: “Dableydu waxay billaabeen inay rasaas kasoo furaan dibadda xarunta iyadoo dadkii ku jiray goobta oo dhan ay kala yaaceen”.

Dhanka kale Weerarkan ayaa bilowday barqanimadii saakay oo Sabti ah iyadoo ay socotay is-rasaaseyntu muddo nus saac ah, sida uu AP u sheegay mid ka mid ah goobjooge-yaashii halkaas ku sugnaa.

Si kasta ha ahaatee Telefishinka Qaranka Kenya ayaa baahiyay in laga baqdin qabo in kooxaha hubeysan ay gudaha xaruntaas madax-furasho ahaan dad ugu haystaan, iyadoo weli ay xaaladdu kacsan tahay.

SomaliSwiss     Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: