Madaxweynaha Somalia iyo Wafdigiisa oo la kulmay Madax kala duwan oo ka tirsan Dowladda Mareykanka.

Madaxweyne Xasan USAMadaxaweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud oo wali ku guda jira safarkiisa shaqo ee uu ku joogo dalka Mareykanka ayaa waxaa kulamo  la yeeshay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, John .F.Kerry, wasiirka gaashaandhigga, Chuck Hagel, la-taliyaha amniga Qaranka, Susan Rice iyo xildhibaan, Keith Ellison.

Madaxweyne Xasan sheekh Washington1Sida la sheegay Kulamadan  waxay ka kala dhaceen xarumo kala duwan oo ay ka mid yihiin aqalka-cad ee pentagon-ka, capitol iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka. Kulammadan ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii wada-shaqeyn iyo iskaashi u u dhexmari lahaa Mareykanka iyo Soomaaliya.

Xubnaha madaxweynaha ku wehliyay kulamadan ayaa waxaa ka mid ahaa wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowsiyo Yuusuf X. Aadan, wasiirka Maaliyadda, Maxamuud Xasan Suleymaa iyo wasiiru dowlaha Madaxtooyada Faarax Sheekh C/qaadir. Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya, Yusra Abraar iyo la-taliyayaal sar-sare oo ka kala socdo xafiiska Madaxaweynaha iyo kan Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan sheekh Washington2Warku wuxuu intaa ku darayaa in Madaxaweyne Xasan Sheekh si aad ah ugu mahad-celiyey Mareykanka sida ay mar walba taageerada ula garab-taagan yihiin Soomaaliya oo hadad kasoo kabsanaysa dagaal sokeeye oo aad u dheeraa.

Sidoo kale Madaxaweynaha wuxuu hoosta ka xariiqey muhiimadda ay leedahay midnimada iyo heshiiska Soomaalida u dhexeeya wuxuuna yiri: ”Waa muhiim in wada-shaqeyn ku dhisan nidaam iyo isbaheysi ay dhex-marto labada dal ee Soomaaliya iyo Mareykanka.”

Madaxweynaha  oo ka hadlayay lixda tiir siyaasadeed ee dowladda Soomaaliya ay horay u dajisay, wuxuuna sheegay inay hada Soomaaliya ka jirto isbedel iyo rajo, taageero la siiyana waxay wax ka bedeli doonto guud ahaan dalka, gaar ahaan dhinaca amniga iyo hormarka.

Madaxaweyne Somalia, Xasan Sheekh  WashingtonDhanka kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayey Siyaasadda wuxuu yiri: “Siyaasada dowladda federaalka waxaa ka mid ah in dib loosoo celiyo xiriirkii Soomaaliya ay la lahayd caalamka intiisa kale, waana taas tan aan awoodda badan saarayno”.

Madaxweynuhu wuxuu ugu dambeyn, khudbad ballaaran ka jeediyay xalay xarunta Woodrow Wilson, isagoo hoostana ka xariiqay horumarka la gaaray iyo in Soomaliya ay ka dhici doonto 2016-ka doorasho xor ah.

Sida la wada ogsoon yahay Dowlada Mareykanka ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee aqoonsaday dowlada Federaalka Soomaaliya, iyadoo muujisay in taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale ay la garab taagantahay dowlada Federaalka Soomaaliya iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan sheekh Washington1.jpg2SomaliSwiss     Washington

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: