Dadweyne Ku Sumoobay Caano ay Cabeen iyo Hilib ay cuneen oo La dhigay Cisbitalka Daarushifa ee magaalada Muqdisho.

Caano GeelDad lagu qiyaasay ilaa 15- qof ayaa la sheegay inay ku sumoobeen Caano ay cabeen iyo Hilib ay cuneen ayaa xalay la dhigay cusbitaalka Daarushifa ee magaalada Muqdisho,  kuwaasoo isugu jiray carruur iyo dad waaweyn.

Dadkan ku sumoobay Caanaha iyo Hilibka oo ay ka cuneen xaflad Alle bari aheyd oo ka socotay nawaaxiga Cisbitalka Martiini, waxaana dadkan gurmad u fidiyay mamulka dagmada Xamarweyne iyo dad kaloo rayid ah, waxana la gaarsiyey markiiba Cisbitalka Darul-Shifa oo daryeel cafimaad loogu sameyay.

Sidoo kale Xaaladda dadkan ayaa la soo sheegay in haatan u muuqata iney soo hagaageeyso kadib markii ay daryeel caafimaad ka heleen cisbitaalka Daarushifa.

Mudane Cabdullahi Ibrahin Sahal Gardhuub  oo ah Gudoomiyaha dagamada Xamarweyne ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii gurmadka u sameeyay dadka sumoobay  islamarkana Cisbitalka geeyay ayaa waxaa uu warbahinta uga warramay in xaalada dadkaasi ay soo hagaageyso.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: