Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga oo ku boorriyey Ummaddda Soomaaliyeed iney meel qura uga soo wada jeestaan cadowga Alshabaab.

???????????????????????????????Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa ku boorriyey ummaddda Soomaaliyeed iney meel qura uga soo wada jeestaan sidii looga guuleysan lahaa cadowga Alshabaab.

S/Guud Axmed Maxamed Maxamuud Carab oo ah Wasiir ku xigeenka wasaarada Gaashaandhigga ayaa shacbiga Soomaaliyeed ugu baaqay iney ciidamada kala shaqeeyaan la dagaalanka argagixisada Alshabaab si loo gaaro hadafka dowlada oo ah in gebi ahaanba dalka laga xoreeyo alshabaab.

Wasiir ku xigeenka oo wareeysi siiyay Warbaahinta ayaa tilmaamay in lagama maarmaan ay tahay in shacabka iyo ciidamadu iska kaashadaan meelna uga soo wada jeestaan cadowga ummadda oo ah alshabaab, si dalkeena looga dhigo meel ka caaggan argagixisada.

Wasiir ku xigeenka wasaarada Gaashaandhigga oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri : ‘’Waxaan ku boorinaya ummadda Soomaaliyeed ugana codsanayaa iney la shaqeeyaan ciidmaadooda iney ka shaqeeyaan nabadda,  inaan cadowga iska wada kaashano haddii aan la helin iskaashi guulahaas lama gaari karo’’.

Balse hadalka wasiirka ayaa imaanaya iyadoo ciidamada XDS oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ay shalay si buuxda uga xoreeyeen maleeshiyaadka Shabaab degmada Mahadaay iyo Buurane oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

SomaliWiss       Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: