Wafdigii uu Hoggaaminayay Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya oo gaaray Washington DC ee Xarunta dalka Mareykanka.

Madaxweyne_Xasan USAMadaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan wasiiradda arrimaha dibadda Somalia, Fowsiyo Yuusuf  Xaaji Aadan, wasiirka maaliyadda, Maxamuud Xassan Suleyman, wasiir-u-dowlaha Madaxtooyada, Faarax Cabduqaadir iyo la-taliyeyaal qaas ah ayaa maanta gaaray magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka, halkaasoo ay kula kulmi doonaan Madax sare ee dalkaas.

Madaxweyne_Xasan USA.jpg1Madaxweynaha Safarkiisa ayaa muhiimaddiisa koowaad waxay tahay inuu kala xaajoodo kuna dhiiri-gelyo sidii loo kordhin lahaa taageerada Maraykanku uu siiyo Soomaaliya gaar ahaan dhinacyada difaaca, amniga iyo horumarinta nabadda.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan ayaa wuxuu la kulmay Senator John McCain ee gobolka Arizona iyo xildhibaanno, kuwaasoo uu kala hadlay qaabka Maraykanaka ay Soomaliya uga saacidi lahayd dib u habeynta hay’adaha dowliga ah.

Safarka Madaxweynaya ayaa wuxuu qayb ka yahay safarro dhowr ah oo uu kusoo maray dalalka Yurub, waxaana uu inta uu joogo dalka Mareykanka uu la kulmi doonaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool iyo weliba madaxweynaha Mareykanka.

Madaxweyne_Xasan USA.jpg2Waxaa la filayaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu kulan gaar ah la qaato Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama, iyadoo ay noqonayso markii labaad oo ay kulamaan madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxweynaha Mareykanka.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa inuu ka qeybgalo shirka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo dhawaan ka dhicidoona magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Waxaa kaloo lagu soo warramayaa in Soomaalida ee ku nool magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka ayaa waxay diyaar-garow xooggan ugu jiraan sidii ay ku soo dhaweyn lahaayeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo wafdi uu hoggaaminay, kuwaasoo la filayo inay gaaraan Columbus maalinta Axadda ah oo ay bishan ku beegan tahay 22-ka.

Waxaa la qorsheeyay in Madaxweynuhu la kulmo bulshada Soomaaliyeed oo uuna ka qayb-galo xaflado soo dhaweeyn ah oo lagu qaban doono hoteel-ka Hilton ee Polaris habeenka Axadda 7PM-11PM oo ay ka soo qeybgali doonaan madaxda gobolka iyo degmada Columbus iyo qeybaha kala duwan ee dadka ku nool gobolkaas.

SomaliWiss   Washington DC

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: