Maraykanka oo Soomaaliya ugu yaboohay lacag dhan 69 Milyan oo Doolar.

Madaxweyne Hasan & HerryDowladda Maraykanka ayaa uga yaboohday Soomaaliya lacag dhan 69 Milyan oo Doolar, taasoo lagu bixin doono dib u dhiska dalka Soomaaliya, sida kobcinta dhaqaalaha, waxbarasahada, horumarinta dimuqraadiyadda, xukuumadda iyo shuruucda kala duwan ee dalka.

Wasaaradda arrimaha dibadda  Mareykanka oo soo saartay Warsaxaafadeed ayaa  lagu sheegay in dowladda Mareykanka ay qoorsheynayso sidii gacan weyn uga geysan lahayddib u dhiska dalka Soomaaliya, iyadoo arrintan ay ku  soo beegay xilli toddobaadkan shir loogu qabtay Soomaaliya magaalada Burssels ee xarunta dalka Belgium, kaasoo beesha calaamku ay ugu yaboohday 1.8 milyan EURO sidii saddexda sano ee soo socota dib loogu dhisi lahaa Soomaaliya.

Dowlada mareykanka ayaa muujisay sida ay muhiimka u tahay xoojinta xiriirka diblomaasi ee labada dal,waxana ay intaasi ku dartay  in dadka soomaalida ay maalin kasta ku taamaan in horumar uu ka hana qaado dalkooda.

Dowlada mareykanka ayaa ah dowladii ugu horeysay oo aqoonsato Soomaaliya markii ay ka baxday KMGka,iyadoo xiligaasi wixii ka dambeyeeyna ay ku dadaalaysay sidii taageero dhab ah ay u siin lahayd Soomaaliya.

Marie Harf oo ah ku xigeenka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka oo arrinta ka hadlaysay waxay tiri : “Iyadoo laga shidaal-qaadanayo barnaamijka Higsiga Cusub ee Soomaaliya ama New Daeal, Mareykanku wuxuu ballanqaadayaa inuu sii wadayo sidii uu ku caawin lahaa dowladda iyo Soomaaliyeed”.

Iyadoo sii hadlaysa ayay hadalkeeda raacisay: “Go’aankeenna waxaa ka mid ah inaan si dhowr ula shaqeydo dowladda federaalka ah ee Somalia iyo sidoo kale shacabka si loo xaqiijiyo horumarinta nolol maalmeedka shacabka Soomaaliyeed, sidoo kalena aan sare loogu qaado xiriirka u dhexeeya labada dal.”

Afhayeenaddu waxay sheegtay inay ku faraxsan yihiin in Somalia ay ka baxday colaadaha ayna u jiheysatay dhinaca dib u dhiska, iyadoo ugu baaqday shcabka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool inay qayb ka qaataan sidii ay uga qaybqaadan lahaayeen dib u dhiska dalkooda.

Sidoo kale Dowladda Mareykanka ayaa aqoonsatay dowladda Soomaaliya muddo 22-sano ah kaddib, waxaana taasi ay horseedday in indhaha beesha caalamka ay u soo jeestaan Soomaaliya iyo sidii ay wax uga qaban lahaayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Washington ku sugan maanta oo Jimco ah, isagoo halkaas kula kulmi doona madaxda dalka Mareykanka qaarkood, sida xoghayaha arrimaah dibadda ee Mareykanka, John Kerry iyo xoghayaha gaashaandhigga, Chuck Hagel.

SomaliSwiss      Washington

SomliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: