Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo Sheegay in Warqad is casilaad ah uu u gudbiyey Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha bankiga dhexe ee SoomaaliyaMudane C/salaam Cumar Hadliye oo ah  Guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo qorshe ay uga qaadayso xilka uu hayo oo loo magacaabay toddoba bilood ka hor, wuxuuna mar kale si cad u diiday eedeymihii ay u soo jeediyeen guddiga la socodka cunno-qabteynta dalalka Soomaaliya iyo Eritrea.

Sida la sheegay eedeymahan ayaa ahaa kuwo guddoomiyaha bankiga dhexe lagula xiriiriyay musuqmaasuq ku saabsan lacago malaayiin doollar ah oo warbixinta ay ku sheegtay in lagala baxay bankiga dhexe ee Soomaaliay, taasoo dowladda Soomaaliya ay gaashaanka ku dhufatay.

Hase ahaatee Guddiga la socodka cunno-qabteynta Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa bishii July ee sannadkan warbixin ay soo saareen ku sheegay in lacag ay kala baxeen mas’uuliyiin dowladda ka tirsan, guddoomiyaha bankiga dhexena uu fududeeyay lacagahaas lagala baxay bankiga.

Guddoomiyaha bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu 13-kii bishan u sheegay in isbedel lagu sameynayo bankiga dhexe ee Soomaaliya, isaguna uu isla maalintaas warqaddiisii uu xilka uga tagayay uu u gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale Soomaaliya ayaa waxay la halgamaysaa sidii ay u hagaajin lahayd hay’adaha dowladda gaar ahaan maamulka lacagta kaddib 22-sano oo colaado iyo qas uu ka jiray. Iyadoo beesha caalamka ay dhowr jeer oo hore xukuumadda ka codsatay in la hagaajiyo maamulka lacagaha si loo ogaado halka ay marayso lacagaha Soomaaliya loogu deeqo.

Mudane C/salaam Cumar Hadliye oo wareysi  siiyay wakaaladda wararka Reuters isagoo ku sugan Nairobi wuxuu yiri: “Haddii madaxda dowladdu go’aansadeen inay xilka iiga qaaddo warbixintii ay guddiga Qaramada Midoobay soo saareen, aniga waxaa go’aansaday in aan iscasilaaddeyda gudbiyo,” ayuu.

Dhanka  kale, C/salaam Hadliye wuxuu sheegay inuu toddobaadka soo socda uu ku laaban doono magaalada Muqdisho si uu xilka isaga wareejiyo, isagoo xusay inay ka go’an tahay inuu shaqada ka tago, maadaama tuhunno ay weli jiraan.

Si kasta ha ahaatee war aan la hubin oo mala awaal ah ayaa sheegaya in ruux dowladdu ay ku bedelayso hadliye aqoonayahand lagu magacaabo Yusur Abraar oo bankiyo ganacsi oo dibadda ah horay uga soo shaqeysay, taasoo noqon doonta guddoomiyihii uug horreeyay oo haweeney ah oo loo magacabo bankiga dhexe ee Somalia. Balse madaxda dowladda Soomaaliya weli ma aysan sheegin cidd lagu bedeli doono C/salaam Hadliye.

Balse Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in hay’ad la talin oo FTI lagu magacaabo iyo guddi baritaan oo saldhiggoodu yahay Mareykanka ay soo saareen warbixin ay ku beeninayaa warbixintii ku saabsanayd musuqa ee ay horay u soo saareen guddiga cunno-qabateynta Qaramada Midoobay ee UN-ka.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: