Golaha Salaadiinta Soomaaliyeed oo maanta Kulan loogu hadlayey Nabadda iyo dib u heshiisiinta ku yeesheen magaalada Muqihsho.

Salaadiinta_Soomaaliyeed.jpg1Golaha Salaadiinta dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxay maanta Kulan ku yeesheen magaalada Muqihsho, kulankaas oo loogu hadlayey Nabadda iyo dib u heshiisiinta, iyadoo xubnihii kulankaas ka hadlay ay soo jeediyeen fikrado iyo talooyin kala duwan.

Salaadiinta_SoomaaliyeedKulankan ayaa waxaa soo qabanqaabisay hay’adda CCD iyadoo waxgaradkii kasoo qaybgalay ay ka digeen in la taageero Al-shabaab oo ay ku shegeen inay tahay koox dhibaatooyin kala duwan ka waddan gudaha dalka Somalia.

Sidoo kae Caaqil Khaalid Cabdi Jimcaale oo kulanka hadal ka jeediyay ayaa sheegay in odayaasha ay u taagan yihiin xalka ummadda, isagoo xusay in Al-shabaab ay ugaarsi isku hayaan, sidaa daraadeedna aysan odayaashu taageerin.

Caaqil Khaalid Cabdi oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Maanta Al-Shaaab iyagaa is-ugaarsanaya oo is baabi’inaya, walba xaqdaro ayay ku heshiiyeen, Axmed Godane wuxuu laynaya raggii rag ugu dhawaan sida Al-amriiki iyo raggii kale ee gacantiisa midig ahaa, sidaa darteen waxaan ugu baaqaynaa dhallinyarada Soomaaliyeed iay kasoo laabtaan”.

Dhanka kale, Caaqilku wuxuu sheegay in dalku uu cagta saaray jidkii nabadda, barwaaqada, wadajirka iyo dib u dhiska, isagoo ka dhawaajiyay in dhallinta lasoo dhaweeyo, wacyi-gelin iyo tababarana la siiyo.

Suldaan Kamaal Salaad Xasan oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay inay odayaasha dhaqanku is-xilqaamaan oo ay ka qayb-qaataan wacyi-gelinta, isla markaana dariiqa saxda ah lagu toosiyo, lagana leexiyo jidka qaldan, isagoo xusay in ummadda Soomaaliyeed ay midoobeen si la isaga daaweeyo bur-burkii dalka ku dhacay.

Waxaa kaloo kulanka ka hadlay Suldaan C/casiis oo sheegay in odayaasha aanay cabsi-gelin, isla markaana ay xil iska saaraan sidii ay qaybtooda uga qaadan lahaayeen nabadeynta iyo xasilinta dalka, ayna ka shaqeeyaan sidii ay ummadda Soomaaliyeed isugu soo dumi lahaayeen.

Jeylaani Maxamed Coof  oo ka mid ah odayaashii kulanka ka hadlay ayaa ka sheegay goobta in duubabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inaan lasoo hoos-gelin fikradaha ku saleysan xagjirnimada, isla markaana laga hortago dul-duleellada.

Caaqil Jaah Ibraahim Xasan oo isna hadlay ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka loo abuuray dib u heshiisiinta iyo wacyi-gelinta, isla markaana ay ka fogaadaan inay gabbaad siiyaan Al-shabaab.

Guddoomiyaha golaha salaaddiinta Soomaaliyeed, Boqor Faarax Cabdi Guure oo gabagabadii kulanka ka hadlay ayaa sheegay inaysan odayaashu cabsi ku jirin isla markaana ay diyaar u yihiiin inay ka hortagaan wax walba oo dadka dhibaato ku ah. Isagoo xusay in naf walba ay maalinteeda go’ayso.

Gabagabdii, odayaasha dhaqanka ee kulanka ka qaybgalay ayaa fikrado is-weydaarsaday iyagoo sidoo kalena soo jeediyay talooyin la xiriiray sidii loo badbaadin lahaa ummadda Soomaaliyeed dalkana nabad loogu dabaali lahaa.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: