Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM oo sheegeen inay la Wareegay gacan ku haynta degmada Mahadaay ee G/Sh/Dhexe.

Ciidamada Amisom.jpg1War ay soo saareen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa ayaa waxay sheegeen inay maanta la wareegeen gacan ku haynta degmada Mahadaay oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, halkaasoo ay gacanta ku haysay Al-shabaab.

Degmada Mahadaay oo 30-km dhinaca waqooyi kaga beegan degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada dhexe ayay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ku dhaqaaqeen iyagoo la wareegay iskahorimaad kooban kaddib.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iska-horimaadka ayaa haddana wararku waxay sheegyaan in lagu arkay gudaha degmadaas dhimashada afar qof oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ahaa.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Mahadaay ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku sugan yihiin gudaha iyo daafaha degmadaas, xoogaggii Al-shabaabna ay isaga tageen.

Qabsashada degmadan ayaa waxaa soo dhaweeyay xukuumadda Somalia iyadoo warbixin ku saabsan la wareegidda degmadan looga hadlay shirkii ay maanta yeesheen golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya.

Mahadaay ayaa waxay noqonaysaa degmadii saddexaad oo ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe oo ciidamada dowaldda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab Al-shabaab, iyagoo horay u haystay degmooyinka Jowhar iyo Balcad.

Gobolka Shabeellada dhexe ayaa waxaa intiisa badan gacanta ku haysa Al-shabaab, iyadoo tallaabadan ay kusoo beegmayso iyadoo aysan wax tallaabo ah qaadin ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM tan iyo markii uu billowday sannadkan.

SomaliSwiss    Jowhar

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: