Guddoomiyaha Baarlamaanka oo ka Warbixiyay Safarka uu ku tagay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Prof_Jawaari_Baydhabo.jpg1Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo shalay socdaal ku tegay  magaalada Baydhaob ayaa maanta ka warbixiyay safarkii uu ku tagay Baydhabo, isagoo sheegay inuu qayb ka yahay qorshayaal ay dowladdu ku doonayso inay gobollada dalka uga hirgeliso maamullo ay shacabku soo doorteen.

Prof_Jawaari_Baydhabo.jpg2Guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdigiisa oo xalay ku hoyday Baydhabo ayaa kulan la qaatay waxgarad kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool, isagoo xusay in loo baahan yahay in haddii ay dareemeen wax khaldan ay ahayd inay saxaan.

Prof. Jawaari oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri: “Waxaan Baydhabo u nimid sidii aan ugala tashan lahayn waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada sidii loo xallin lahaa khilaaf walba oo jira, sidoo kalena looga tashan lahaa maamul loo dhan yahay oo loo sameeyo gobolka Bay iyo gobollada ku dhow”.

Sidoo kale waxaan la ogeyn inta casho ee ay ku sugnaan doonaan Baydhabo, iyadoo socdaalkooda uu kusoo beegmayo xilli uu jiro khilaaf xooggan oo u dhexeeya dowladda Soomaaliay iyo weliba waxgaradka gobolka Baay.

Prof. Jawaari oo la hadlayey bulshada Reer Baydhabo wuxuu yiri: “Waxaan doonaynaa in wax walba ay nabad ku dhammaadaan, gogoshii lagu dhameyn lahaa wax walba oo khilaaf ah oo jirana halkan ayay taallaa innaguna diyaar ayaan u nahay inaan idinla hadalno”.

Dhanka kale waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa ka socday maalmihii lasoo dhaafay shir la doonayo in maamul ka madax-bannaan dowladda loogu sameeyo lix gobol oo ku yaalla Koonfurta iyo galbeedka Soomaaliya, laakiin lama oga isbedelka uu socdaalka wefdigani ku keeni doono shirkaas.

Odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo aqoonyahannada gobollada Bay iyo Bakool ayaa waxay u sheegeen inay xiriirka u jareen dowladda Soomaaliya, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay heshiis la gashay Sheekh Axmed Madoobe.

SomaliSwiss     Baydhabo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: