Midowga Yurub oo ugu Yaboohay lacag gaaraysa 862 Milyan oo Doollar Qorshaha dib loogu dhisayo dalka Soomaaliya.

shirka Brussel.jpg7Mr. Jose Manuel Barroso oo ah Guddoomiyaha guddiga reer Yurub, ayaa sheegay in Midowga Yurub uu dib u dhiska Soomaaliya ugu yahoobay 862-milyan oo doollarka Mareyanka ah, isagoo sheegay in shirka Brussels uu yahay mid lagu xoojinayo horumarka ay ku tallaabsatay Soomaaliya. HOOS KA DAAWO SAWIRO

shirka Brussel

Dowladda Soomaaliya iyo deeq-bixiyayaasha caalamka ayaa ka qayb-galaya shirka oo lagu sameynayo qorshe lagu dhisayo ammaanka Soomaaliya iyo nidaam siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Lacagtan ayaa waxay qayb ka noqonaysaa dib u dhiska Soomaaliya iyo dib u habeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda saddexda sano ee soo socota, iyadoo sidoo kale la filayo in dalal badan oo shirka ka qaybgalaya ay lacago ku yaboohaan.

shirka Brussel.jpg6

“Waxaan ku faraxsannahay inaan ku yaboohno 650-milyan oo Euro ($862) oo lacag dheeraad ah oo lagu taageerayo wejiga cusub ee dib u dhiska dalka Soomaaliya,” ayuu Barroso warfidiyeenka ugu sheegay halka uu ka socdo shirka lagu caawinayo Soomaaliya, isagoo xusay in lacagtan dheeraadka ah ay tahay 1.2 bilyan oo Euro oo Midowga Yurub uu ku bixinayay arrimaha Soomaaliya tan iyo 2008.

Dowladda Britian ayaa si gooni ugu dhawaaqday yabooh lacageed dhan 79 milyan, taasoo qayb ka noqonaysa yahoobaha dhaqaale ee loo ururinayo dib u dhiska Soomaaliya.

shirka Brussel.jpg5

Madaxda Reer Yurub ayaa ku rajo weyn in deeq-bixiyayaasha caalamiga ah ee ku sugan shirka ay ku yaboohi doonaan lacag ka badan hal bilyan oo Euro oo lagu taageerayo qorshaha dib u dhiska Soomaaliya.

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka Brussels ee maanta furmaya ka muujiyay rajo weyn, wuxuuna sheegay inuu yahay shir ka duwan kuwii Soomaaliya horay loogu qaban jiray.

Madaxweynaha oo shirkan ay wada-guddoomin doonaan Catherine Ashton oo ah madaxa arrimaha siyaadda ee Midowga Yurub ayaa xusay in shirkani uu fursad u siinayo Soomaaliya sidii beesha caalamku u siin lahayd dhaqaale dib loogu dhisayo dalka oo 22-sano burbur iyo colaado ku jirey .

shirka Brussel.jpg7Madaxweynuhu oo wareysi uu siiyay BBC-da, isagoo ku sugan magaalada Brussels wuxuu yiri : “Shirkan waa mid ka duwan kuwii horay loo qaban jiray Soomaaliya, waa shir la mid ah kuwii horay loogu qabtay dalalka ay dagaalladu ka dhaceen, si wax loogu qabto. Soomaaliya waa markii ugu horreysay oo ay hesho fursaddan oo kale, waxanna rajeynaynaa in shirkani uu qayb weyn ka qaato sidii dalka dib loogu dhisi lahaa saddexda sano ee soo socota”.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay rajada uu ka qabo shirka ayaa sheegay inay ku rajo weyn yihiin inay wax wanaagsan kasoo bixi doonaan, isagoo intaas ku daray in shirkan uu meesha ka saarayo kala qaybsanaantii ku dhexjirtay beesha calaamka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wato wuxuu yiri:  “Rajo aad u weyn ayaan ka qabnaa inay shirkan uu noqdo mid daaha u furaya dib u dhis ay hesho Somalia, waa shirkii ugu horreeyay oo loo qabto noociisa Soomaaliya; beesha caalamkana waligeed taageero ayay siin jirtay Soomaaliya, balse taageeradan waa ka duwan tahay kuwii hore, waa mid aan baahiyaha aan qabno aan innagu soo gudbinayso calaamkuna uu hal meel isku keenayo dhaqaalihii uu nagu caawin lahaa”.

shirka Brussel.jpg1

Madaxweynuhu wuxuu xusay in dhaqaalaha Soomaaliya loogu yabooho hal meel la isugu keenayo, isla markaana lagu saacidayo dhismaha dowladnimada, isagoo xusay in lacago badan oo hal meel ka yimaada oo hal meel u jiheysan ay tahay shan muhiimadood oo caalaami ah sidii lacagahaas loogu bixin lahaa, isagoo intaas ku daray in in dowladda Somalia iyo beesha caalamka ay door ku yeelan doonaan talada iyo maamulka lacagtaas loogu deeqayo Soomaaliya.

Dhanka kale, wuxuu sheegay inay dhowaan sameyn doonaan maamulladii degmooyinka iyo gobollada dalka, islamarkaana ay ku xigi doonaan dhaqan-gelinta federaalka, dalkuna uu u dhaqaaqi doono hal qof iyo hal cod.

Si kasta ha ahaatee Shirkan ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay oo beesha caalamku ay u qabto Soomaaliya si lacago loogu yabooho ayaa socon doona hal maalin, iyadoo la filayo in loogu yabooho Soomaaliya lacag ka badan hal bilyan oo EURO oo ah lacagta Midowga Yurub.

shirka Brussel.jpg8

SomaliSwiss      Brussels

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: