Wufuudii Ka Qeyb geleysay Shirka Beri Ka Furmi doono magaalada Brussels ee dalka Biljimka oo Ku Sii Qulquleysa Magaaladaas.

Madaxweyne Hassan-and-EU-Magaalada Brussles ee xarunta wadanka Biljim ayaa waxaa ku sii qulqulaya wafuudii ka qeyb galeeysay shirka looga hadlayo dib u dhiska Soomaaliya ee maalinta barito ah halkaa ka furmi doono.

Maalinta loo ballansan yahay shirkaas waa Lix iyo Tobanka bsihan Septemnber,  kulankaas oo ay sida wada jirka ah u qaban qaabiyen dowlada Soomaaliya iyo dalalka ku bohoobay Midowga Yurub si loo turxaan bixiyo wadiiqooyinka loo mari lahaa taageero dhab ah oo la siiyo Soomaaliya maadaama si rasmi loo aqoonsaday Dowladda ka hana-qaaday dalka Soomaaliya.

Sacadihii ugu dambeyay ayaa magaalada Bressilis waxaa ku sii qulqulayay wafuud caalami ah oo shirka ka qeyb galasysa waxaana ka mid ah wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya mudane Xasn Sheikh Maxamuud xilli maalin qura ay ka harsan tahay qabsoomida shirkaasi.

Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo madaxa siyaasada arimahada dibadda ee Midowga Yurub Katrin Ashton ayaa si wada jir ah u shirgudoomianaya madasha kulanka oo  dadka lagu casuumay ay qeyb ka yihiin ururada bulshada iyo cidkasta oo daneysa arinta Soomaaliya.

Shirka ayaa laga filanayaa in dowlada Soomaaliya ay hesho fursado ay ku hirgelin karto Tiirarka udub dhexeedka u ah jiritaanka dowladda iyo gudashada waajibaadka Qaran ee horyaala .

Hindisaha shirkan ayaa soo bidhaamay wax yer un kadib markii dalka Britain lagu soo geba gebeyeey kulan looga hadlayaay taageerada Ingiriiska ee Soomaaliya taasi oo ku dareensiinaysa sid caalamka ugu baratamayo garabsiinta dowlada federaalka ah ee Soomaaliya oo aan kMG ahayn taasi oo dalka ka hana qaaday mudo ka badan 20 sano kadib.

Qaramada midoobay, beesha caalamka, jaamacada carabta iyo dalaalka kale ee daneeya arimaha soomaaliya ayaa rajo wanaasgan ka muujinaya in natiijooyin wax ku ool u ah somalia ay ka soo bixidoonaan shirka midowga yurb ee barnaamijka new deal ama hiigsiga cusaub.

Dhanka kale war saaka na soo gaaray ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ay gaareen   magalada Brussels ee xaraunta dalka Belgium si ay uga qeyb galaan  shir halkaasi ka furmaya.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinaya Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibada Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadam,wasiiru dowlaha madaxtooyada Faarax Sheekh C/qaadir,Wasiirka Maaliyada Maxamuud Xasan Suleeymaan iyo Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiim Xaaji Maxamuud Fiqi.

Sida la sheegay waxaa Shirkan  ka qeyb galaya Maamulada dalka, sida Maamulka Puntland, Galmudug, Maamulka KMG ah ee Jubba, halka  Somaliland ay horay u diiday in shirkan ay ka qayb gasho.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: