Shirkad laga leeyahay Dalka Turkiga oo Maanta lagu Wareejinayo Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

garoonka diyaaradaha muqdishoWaxaa maanta si rasmi ah ula wareegaysa gacan ku haynta maamulka garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga oo lagu magacaabo FAVORI LLC, waxayna xilkaas ay kala wareegaysa shirkadda SKA Air & Logistic oo saddexdii sano ee lasoo dhaafay haysay maamulka garoonka diyaaradaha.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa sheegay in kala wareegga shirkadahani uusan wax saameyn ah ku yeelan doonin howlaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Wasiirku oo warbaahinta siiyay Warbixin ayaa wuxuu yiri: “Howsha kala wareegga ah waxay bilaabatay 3:00 galabnimo ee shalay oo Sabti ahayd, waxayna ku ekeyd 9:00 aroornimo ee saaka oo Axad ah; wax saameyn ahna kuma yeelan howlaha garoonka diyaaradaha”.

Sidoo kale Shirkadda Turkiga ayaa waxay sheegtay inay horumarin weyn ku sameyn doonto garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyagoo horraantii bishan keensaday qalabkii ay ku shaqeyn lahaayeen, waxaana SKA ay xalay bilowday in qalabkeeda ay garoonka kala baxdo.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa wuxuu haatan noqday mid ay ku soo degi karaan diyaaradaha caalamiga ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin Air Uganda iyo Turksih Airlines, iyadoo sidoo kale ay yimaadaan shirkado kale oo caalami ah.

Si kasta ha ahaatee go’aanka isbedelka ee maamulka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ayaa waxaa Bishii Juun ee sannadkan ay golaha wasiirada ee xukuumada Federaalka Soomaaliya  meel mariyeen heshiiska lala galay  shirkadda Turkiga laga leeyahay ee FAVORI LLC, si loo horumariyo adeegyada garoonka diyaaradaha, iyadoo tan iyo xilligaas ay soo socdeen qorshayaasha ay kula wareegayso garoonka.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: