Maalinta Isniinta ah ee soo socota ayaa lagu wadaa Dowladda Soomaaliya iyo dalalka deeq-bixiyeyaasha ay ku saxiixdaan magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium heshiis ku saabsan dib u dhiska Soomaaliya kaasoo socon doona muddo saddex sano ah, waxayna  saraakiisha Midowga Yurub sheegeen in dib u dhiskaas ay ku bixi doonto in ka badan hal bilyan oo EURO.
Shirka Brussels ayaa rajeynayaa inuu fure u noqdo dib u soo celinta amniga Soomaaliya 22-sano oo colaado sokeeye iyo deggenaasho la’aan ka jirtay tan iyo markii xukunka laga tuuray dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.
Mr. Nick Westcott oo ah sarkaal ka tirsan Midowga Yurub isla markaana ah mid qaalbsan arrimaha Afrika ayaa sheegay in shirka Isniinta furmaya uu yahay mid salka u dhigaya siyaasadda iyo dib u dhiska Soomaaliya.
Sidoo kale Mr. Westcott ayaa u sheegay wariyeyaal uu kula hadlayay Waddamada ku bahoobay Midowga Yurub ayaa ah kuwa ugu badan ee deeqda gargaarka ah siinaya Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ka caawinaya dagaallada ay kula jirto xoogagga Al-shabaab ee xukuumadda Soomaaliya ka horjeeda.
Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamuud iyo beesha calaamka ayaa lagu wadaa inay Isniinta saxiixaan heshiiska higsiga cusub (New Deal), iyadoo heshiiskan qodobbada uu diiradda saarayo ay ka mid yihiin amniga, siyaasadda, cadaaladda, dhaqaalaha iyo howlaha kale ee dowladda.
Sida ay wararku ay sheegayaan waxaa Shirka Brussels ka qayb galaya in ka badan 50 ergay, kuwaasoo ka kala socda dalalka Afrika, Mareykanka, Japan, Shiinaha, dalalka ku yaalla Khaliijka Carabta iyo sidoo kale kuwa Midowga Yurub.
Sidoo kale, Soomaaliya waxay maalinta Isniinta ah ku biiri doontaa heshiiska CONTONOU, kaasoo ah heshiis ka dhexeeyay dalalka Afrika, kuwa Yurub iyo kuwa baasifigga loo yaqaan.
Midowga Yurub ayaa horay u ballanqaadday inay Soomaaliya siinayso lacag dhan 1.2 bilyan oo EURO inta u dhexeysa sanadaha 2008 illaa 2013, iyadoo sidoo kale ka fulisay Soomaaliya mashaariic kala duwan oo ay ku xoojinayso ammaanka, kuwaasoo ay ka mid yihiin howlgalka la dagaalanka- burcad-badeedda iyo tababarrada la siinayo ciidamada milateriga Soomaaliya.
SomaliSwiss     Brussels
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.