Advertisements

Magaalada Tokyo ee dalaka Japan oo ku guuleysatay tartankii halaka lagu qabanayo Olympic-kada sanada 2020.

three_bid_citiesNatiijadii kama deymbaysta aheyd ee la sugayay mudo laba sanno ah ayaa lagu dhawaaqay, waxaana tartan u dhexeeyay saddex wadan oo kala ahaa Spain, Japan iyo Turkey ayaa waxaa isku soo haray labada magaalo ee kala ah Tokyo (Japan) iyo Istanbul (Turkey), kadib markii la reebay magaalada Madrid ee dalka Spain.

Tartankankaasi oo ay go’aankiisii kama dambeysta ahayd gaareen gudiga Olympic-kada aduunka ayaa waxa ku guuleystay magaalada Tokyo ee wadanka Japan.

Ololaha iyo dacaayada looga dheereeyay Istanbul ayaa waxaa qeyb ka ahaa in wadanka Turkiga lagu tilmaamay in uu yahay wadan Islaami ah iyo in magaalada Istanbul ay beryahan dambe kusoo bateen gabdho xijaaban.

Gudiyada iyo ururada aduunweynaha ka dhisan ayaa maamulkooda iyo go’aankooda waxaa inta badan gacanta ku haya wadamada reer galbeedka ah, laga soo bilaabo Qaramada Midoobay ilaa gudiyada Isboortiga aduunka, waxaana go’aamadaasi lagu saleeyaa inta badan qaabka wadanka la xukumayo uu ula dhaqmo reer Galbeedka iyo sida uu ugu dhaga nugul yahay.

Balse laguma saleeyo qaab cadaaladeed. Tusaale ahaan ciyaarada Olympic-kada magaalada Tokyo waxay horay u marti galisay sanadkii 1964, halka aysan Istanbul waligeed marti galin.

Waxayna cadaaladu keeni laheyd hadiiba lagu dhaqmayo in magaalo aan horay u marti galin una qalanta la siiyo mudnaanta koowaad.

SomaliSwiss Bern

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: