Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu Hogaaminayay oo lagu soo dhaweeyay magaalada Baladweyne.

xasanMadaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud  iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayay ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Baladweeyne ee xarunta gobolka hiiraan, waxaana garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif si weyn ugu soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo dadweyne aad u fara badan. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Wafdiga la socday madaxweynaha ee galabta gaaray magaalada Baladweyne ayaa waxaa kamid ahaa wasiir ku-xigeenka wasaarrada arrimaha gudaha iyo ammniga Qaranka Jaamac Maxamed Axmed [Jaamac Oday] xildhibaanno, taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneral Daahir Aadan (indhaqarshe) Cilmi,  taliyaha ciidamada nabad-sugida Soomaaliyeed Bashiir Max’ed Jaamac (Bashiir Goobe), taliyaha booliiska Soomaaliya, Jeneral C/xakiin Daahir Siciid (Saacid).

Soo dhaweynta madaxweynaha ayaa waxaa kaqeyb galay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada maamulka, kuwa howlgalka midowga Afrika ee AMISOM, qeybaha bulshada oo isugu jiray aqoonyahanno, odayaal, waxgarad, ururada dhalinyarada, waxaana ay wateen calanka Soomaaliyeed iyo caleemo qoyan iyaga oo safnaa hareeraha wadooyinka kuna faraxsanaa booqashada madaxweynaha.

Madaxweynaha oo hadal kooban siiyay warbaahinta ayaa sheegay in uu caawa joogayo magaalada Baladweyne, isla markaana kulamo la qaadan doono mas’uuliyiinta maamulka gobolka hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Amniga magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa si aad ah loo adkeeyay waxaana lagu arkayaa ciidamada maamulka gobolka Hiiraan oo wadooyinka xiray, isla markaana si foojigan ula socda dhaq dhaqaaqa guud ee magaalada Baladweyne.

SomaliSwiss Bladweyne

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: