Shirweynihii Qaran ee geedi-socodka Siyaasadda ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho iyo Qodobbadii kasoo baxay.

shirweynaha SiyaasaddaShirweynihii Qaran ee geeddi-socodka siyaasadda dalka iyo higsiga sannadka 2016-ka ee lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho Jimcihii shalay ayaa waxaa kasoo baxay qodobbo dhowr ah, iyadoo qodobbadii laga dooday ay ka mid ahaayeen: dastuurka, dib u heshiisiinta, federaalka iyo qodobbo kale.

Shan qodob ayaa looga dooday shirkan shanti maalmood ee uu socday, iyadoo guddiyo la saaray ay qodob walba kasoo saareen qodobbo kala duwan.

QAYBTA KOOWAAD: oo looga dooday arrimaha dastuurka ayaa waxaa laga soo saaray talooyin ay bixiyeen guddiga kuwaas oo ay ka mid yihiin:-

  1. 1.   In la sameeyo dhammaan hay’adaha dhameystirka dastuurka qaabilsan muddo 60 maalmood gudaheed.
  2. 2.   In la sameeyo maxkamadda dastuuriga ah ee dastuurka ku qoran muddo 90 maalmood gudahood ah.
  3. 3.   In la sameeyo dhammaan hay’adaha muhiimka u ah dib-u-eegista iyo hir-gelinta dastuurka muddo 90 maalmood gudahood ah.
  4. 4.   In dowladdu ay xaqiijiso in guddiyada la magacaabay ay noqdaan kuwo madax-bannaan sida uu dastuurku tilmaamay oo howshooduna ay noqoto mid ay u madaxbannaan yihiin.
  5. 5.   In la sameeyo hannaan dadweynaha lagu wacyi-geliyo, loogana qayb-gelinayo dib u eegista dastuurka, lana baro barnaamijka federaalka.
  6. 6.   In dowladdu ay xaqiijiso in dhammaan qaybaha bulshada, sida bulshada rayidka ah iyo maamullada ay ka qayb-qaataan howsha dib loogau eegayo dastuurka dalka si uu u noqdo mid dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin.

QAYBTA LABAAD: oo ku saabsanAyd federaalka iyo wadaagGa kheyraadka dalka, Waxaa la isku waafaqay, In hannaanka federaalka ah uu yahay midka dadka Soomaaliyeed u soo dhaweyn kara dowladnimada, waxaana la soo saaray qodobadaan:

  1. 1.   In dowladdu ay dhisto gudDiga xuduudaha iyo arrimaha Federaalka ah ee uu farayo dastuurka Soomaaliya ee ah in lagu dhiso muddo 60 maalmood ku siman.
  2. 2.   In unugyada federaalka ah ay ku saleysnaadaan isku filnaansho dhaqaale, ayna noqdaan dad lagu saleeyay habka juquraafiga ah oo ay ahaadaan dad kala duwan.
  3. 3.   In dowladda Soomaaliya ay hoggaamiso, ayna billowdo barnaamij lagu wacyi-geliayo dadweynaha Soomaaliyeed.

QAYBTA SADDEXAAD: oo looga dooday habkii loo meel  marin lahaa hanaan siyaasadeed leh doorashooyin iyo axsaab siyaasi ah, iyadoo la isku afgartay in dowladdu ay abuurto deegaanno u diyaarsan inay ka dhashaan axsaab siyaasadeed oo badan oo ay ku tartamaan talada dalka, waxaana qodobbadii kasoo baxay ka mid ahaa:

  1. 1.   In dowladdu ay dhisto guddiga doorashooyin oo madax-bannaan muddo lix bilood gudahood ah.
  2. 2.   In xeerka ama sharciga la meel-mariyo muddo hal sano ah gudahood ah.
  3. 3.   In dowladda ay hirgeliso barnaamij shacabka lagu barayo arrimaha doorashooyinka oo baahsan.
  4. 4.   In axsaabta siyaasadeed ay ahaadaan kuwa heer Qaran ah oo aysan ku salaysnaanin qabiil, naceyb ama afkaar xagjirnimo ah iyo IWM.
  5. 5.   In golaha shacabka uu meel-mariyo sharuuc qeexaysa habka loo maal-gelinayo ololayaasha siyaasadeed ee dalka, isl amarkaana asxaabta lala xisaabtamo.
  6. 6.   In beesha caalamku ay dowladda Soomaaliya ku taageerto wixii farsamo dhaqaale ah ama siyaasadeed oo lagu dabaqayo sidii lagu meel-marin lahaa hannaankaas siyaasadeed.
  7. 7.   In la isla meel dhigo ama lasii diyaariyo hanaan – haddii wax deg-deg ah ay yimaadaan uu qof waliba codkiisa ku dhiiban karo.

QAYBTA AFARAAD: ayaa looga dooday dib-u-habeynta dowladda, waxaa la isku waafaqay in dowladdu ay ku dadaasho hannaan cad oo shacabka u muuqan kara. Waxaa ka mid ahaa qodobadii kasoo baxay:

  1. 1.   In la sameeyo guddiga la dagaalanka musuqa sida ku cad dastuurka federaalka ah ee Soomaaliya muddo 90 maalmood gudaheed ah.
  2. 2.   In la sameeyo xafiiska ilaalinta hantida Qaranka sida ku cad dastuurka Qaranka muddo 90 maalmood gudaheed ah.
  3. 3.   In la sameeyo guddiga xaquuqul insaanka Soomaaliya muddo 90 maalmood gudaheed ah.
  4. 4.   In la sameeyo guddiga shaqaalaha dowladda sida dastuurka ku cad muddo lix bilood gudahood ah.
  5. 5.   In la sameeyo keydka Qaranka ama keydka dukumintiyada Qaranka si uu dib u keydiyo wixii war ah ama macluumaad ah, wixii ku saabsan warqadaha dowladda hal sano gudaheed.

QAYBTA SHANAAD: waxaa looga dooday in siyaasadda dadka la gaarsiiyo, in shacabka lala hadlo, in dib u heshiisiin la sameeyo, lagana shaqeeyo hab cadaaladeed xilliga kala kuurka lagu gudo jiro, waxaana la isku waafaqay in dowladdu ay billowdo barjaamij dib-u-heshiisiineed oo baahsan kaasoo dalku isu keena, isla markaana dadka is-dhex-galkooda ka shaqeeya, waxaana kasoo baxay:

  1. 1.   In dowladdu ay wada-hadal la furto dhammaan cidda kasoo horjeedda.
  2. 2.   In dowladdu ay raadiso oo ay wada-hadal la furto maamul goboleedyada.
  3. 3.   In dowladdu ay sii waddo wadahadalka ay kula jirto Somaliland
  4. 4.   In dowladdu ay ka shaqeyso awoodsiinta odoy dhaqameedyada ayna  kobciso doorkooda nabadeynta xagga bulshada.
  5. 5.   In lagu simo hannaanka awoodda dowliga lab iyo dhidig una sinaadaan hannaanka shaqada dowliga ah, kana qayb-qaataan dadka laga tirada badan yahay dhammaan hannaanka dowliga ah heer walbo oo uu yahay.
  6. 6.   In dowladdu ay dhisto guddiga runta iyo dib-u-heshiisiinta sida ku cad dastuurka muddo lix bilood gudahood ah.
  7. 7.   In dowladdu ay dhisto guddiga dhulka iyo hantida muddo lix bilood gudahood ah.

Ugu dambeyn, waxaa la isku waafaqay in dowladdu ay soo saarto barnaamij howleed baahsan oo xaqiiqda ka turjumaya si loo hirgeliyo talooyinka lagu soo bandhigay shirka oo intooda badan la dalbaday in lagu hirgeliyo muddo bil gudaheed ah.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: