Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo kormeeray mid ka mid ah Maraakiibta dagaalka ee Midowga Yurub.

Madaxweynaha_MarkabMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo kormeeray mid ka mid ah markab ay isticmalaan ciidamada badda Midowga Yurub ee ku sugan Soomaaliya, waxaanaa kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan Midowga Yurub oo markaas ku dul-sugnaa, isagoo ku wareegay qaybaha uu markabkaas ka kooban yahay.

Ugu dambeyntii Madaxweynuhu wuxuu kulan la qaatay howl-wadeennadii ku sugnaa markabkaas oo isugu jiray ciidammo iyo saraakiil ka tirsan kuwa howlgalka la dagaalanka burcad-badeedda u jooga Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu gudaha markabka kula kulmay danjiraha Midowga Yurub ee Soomaliya iyo taliyaha ugu sarreeya ciidamada la-dagaalanka burcad-badeeda, iyagoo uga warramay qaabka uu howlgalku ku socdo iyo waxyaabaha u qabsoomay intii ay joogeen xeebaha Somalia.

Sidoo kale Taliyaha ciidamada la-dagaalanka burcad-badeedda Midowga Yurub ayaa sheegay inay galbiyaan maarakiibta shixnadaha gargaarka u wada Somalia ee u raran hay’adda cuntada adduunka ee WFP si aysan gacanta ugu galin kooxaha burcad-badeeda ah, isagoo tilmaamay inay ku guuleysteen inay ka hortagaan kooxaha burcada-badda ah, taasoo keentay in sannadkan 2013-ka aysan dhicin wax afduub ah oo ay burcad-badeeddu u geeystaan maraakiibta isticmaasha biyaha Soomaaliya.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa uga mahad-celiyay ciidamada badda Midowga Yurub howlaha muhiimka ah ee ay u joogaan Soomaaliya, sida la-dagaalanka burcad-badeedda oo ay ka hayaan biyaha Soomaaliya, isagoo sheegay in xalka kooxaha burcad-badeedda uu yahay in la taageero ciidamada badda Soomaaliya lana qalabeeyo si ay u hantaan ammaanka baddeena.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: