Golaha Wasiirrada oo ansixiyay xeerka Isgaarsiinta Qaranka sheegayna in la badbaadinayo Xawaaladaha Dalka.

Golaha_Wasiirada.jpg3Shirkii Khamiislaha ahaa ee golaha wasiirada ayaa waxaa maanta shir-gudoominaysay ku simaha ra’iisal wasaaraha ahna wasiirada arrimaha dibadda iyo Somalia, Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta asnixiyay xeerka Isgaarsiinta Qaranka.

Goluhu waxay kal-fadhigan kaga wada hadleen arrimaha xawaaladaha, amniga, burcad-badeeda iyo xaaladda hantida Qaranka, sida guryaha dowladda oo ay isku raaceen inay loo baahan yahay in dowladdu ay siyaasad cad ka yeelato.

Mudane C/llaahi Cilmooge Xirsi oo ah Wasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka ayaa saxaafadda la hadlay kaddib shirkii golaha ayaa soo dhaweeyay ansixinta xeerka isgaarsiinta Qaranka. Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in goluhu aad uga xun yahay go’aanka uu Barclays Bank ku joojinayo adeeggii uu u samayn jiray xawaaldaha Soomaalida.

Sidoo kale Golaha Wasiiradu ayaa go’aanka Barclays Bank ku tilmaamay mid abuuraya xaalad adag oo bani’aadanimada oo aad u adag. Waxaana goluhu isku raacay in dowladda dadaal xoogan u gasho bad-baadinta nidaamka xawaaladdaha dalka.

Marwa Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan oo iyadana halkaas ka hadashay waxay tiri: “Waxaan aad uga xunnahay go’aanka Barclays Bank uu ku joojinayo xiriirkii shaqadii uu u hayay xawaaladaha Soomaalida, waana arrin saamaynaysa ummadda Soomaaliyeed iyo gobolka oo dhan. Dadaal siyaasadeed ayaan ugu jirnaa sidaan ku bad-baadin lahayn nidaamka xawaaladaha dalka”.

Dhanka kale, Wasaaradda Maaliyadda ayaa golaha u soo bandhigtay qorshaha dib loogu hagaajinayo dhaqaalaha dalka sannadaha 2014-2015. Qorshahan ayaa wasiirka Maaliyadda, Maxamuud Xasan Suleemaan ku tilmaamay qorshe ku wajahan abuurida jawi hagaagsan oo dhinaca wax-soo saarka  dalka ah, uuna soo noolaynayo dhaqaalaha isagoo dajinaya qaab-hogaamineed la xiriira horumarinta dalka.

Cabdikariin Xuseen Guuleed wasiirka arrimaha guddaha iyo amniga Qaranka ayaa golaha siiyay warbixin dhanka ammaanka ah. Wasiirka ayaa xaaladda amniga ku tilmaamay mid kasoo raynaysa. Waxaana uu ka warbixiyay booqashadii toddobaadkan uu madaxweynuhu ku tagay Marka oo uu ku tilmaamay mid natiijo aad u wanaagsan u soo hoysay dawladda iyo shacbiga deegaankaas ku nool.

Ugu dambeyn, goluhu waxay warbixin ka dhagaysteen guddoomiyaha hay’adda la-dagaalanka burcad-badeedda, Muxiyadiin Cali Yusuf oo golaha u sheegay in gabi ahaanba falalkii burcad-badeeddu aad hoos ugu dheceen. Waxaana uu hoos u dhacaas u tiiriyay dadaalka ay dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeed u galeen ka hortaga burcad-badeedda.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: