Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo ka digay in Soomaaliya ay dib ugu laabato guul-daradii hore, kuna baaqay in AMISOM lagu taageero diyaarado.

Ban-ki-moon.Mudane Ban Ki-Moon ayaa sheegay in laga yaabo in Soomaaliya ay dib ugu laabato guuldarradii ay kasoo baxday, isagoo dalalka caalamka ugu baaqay inay diyaaradaha qummaatirga u kaca ee helicopters-ka ah ay ugu deeqaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, si ay ugu weeraraan Al-Shabaab.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa sidoo kale ugu baaqay xubnaha golaha ammaanka oo ay ku jiraan kuwa Afrika inaysan xoogga saarin sidii cidiamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya ay ku heli lahaayeen diyaarado ay ku weeraraan Al-shabaab oo weli deegaanno badan oo Soomaaliya ku yaalla ka talisa.

Mudane Ban Ki-Moon oo warbixin uu u gudbiyay golaha ammanka ee Qaramada Midoobay talaadadii wuxuu ku yiri.“Siyaasaddda, ammaanka iyo horumarka Soomaaliya ay gaartay weli waa kuwo uu isbedel ku imaan karo,” ayuu

Xoghayaha guud wuxuu sheegay in kooxda Al-shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida ay carqalad ku hayso ammaanka guud ee Soomaaliya oo ay ku jirto magaalada Muqdisho ee xarunta ah.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay wuxuu hadalkiisa raaciyay ee uu yiri: “Al-shabaab oo sii wadata tababarrada ay siinayso ciidamadeeda iyo xiriirka ay la sameynayso kooxaha argagaxisada ah sidii ay Soomaaliya xarumo uga dhigan lahaayeen, taasi ma ahan oo keliya inay ammaanka Soomaaliya oo keliya ay khatar ku tahay, balse waxay saameyn ku yeelan kartaa gobolka oo dhan,” ayuu

Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa waxaa taageero siiya golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo qorshuhu yahay in lagu bedelo ciidammo nabad ilaalineed oo ka socda Qaramada Midoobay, balse ma jirto go’aan cad oo weli arrintaan lagu gaaray.

Xarakada Al-shabaab ayaa tan iyo markii dagaalka la gashaya dowladdii KMG ahayd ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif waxay ugaarsi xooggan ku haysay shaqaalaha Qaramada Midoobay, illaa ay weerarto xaruntii ay ku lahaayeen Muqdisho bishii Juun ee sannadkan, halkaasoo ay ku dhinteen shaqaale Soomaali iyo ajnabi isugu jiray oo ka tirsanaa xarunta UNDP ee Muqdisho.

Sidoo kale Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF ayaa iyaduna bishii hore isaga baxday Soomaaliya oo dhan, kaddib markii ay sheegtay inay khataro kala kulantay kooxaha hubeysan ee Soomaalida ah, taas darteedna aysan kasii shaqeyn karin Soomaaliya.

SomaliSwiss     New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: