Sh. Axmed Madoobe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo, wuxuuna ka hadlay Arrimo oo la xiriira Heshiiskii Addis Ababa.

Axmed MadoobeMadaxweynaha maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa waxaa  uu maanta ku qabtay xarunta madaxtooyada magaalada Kismaayo Shir-jaraa’id, kaas oo uu uga warbixiyay arrimo badan oo ay kamid yihiin: heshiiskii ka dhacay magaalada Addis Ababa, dhameystirka maamulka iyo weliba shirarka ka dhici doona magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.

Axmed Madoobe.jpg1

Ugu horeyn Sheekh Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirkii ka dhacay magaalada Addis Ababa ee ay heshiisyada ku kala saxiixdeen maamulka Jubba iyo dowladda Federaalka Soomaaliya uu ahaa mid kusoo dhamaaday guul, wuxuuna xusay in heshiiska ay gaareen labada dhinac uu yahay mid guul u ah guud ahaan shacabka Soomaaliya gaar ahaan shacabka ku dhaqan Jubooyinka.

Sheekh Axmed Madoobe wuxuu hadalkiisii raaciyay ee uu yiri: “Juhdi badan, sabir badan iyo isu-tanaasulaad badan ayey labada dhinac la yimaadeen, juhdigaas oo dhan marka la isu geeyayna ay sababtay in dhacaan heshiisyadii taariikhiga ahaa ee ka dhacay Adisababa”.

Axmed Madoobe ayaa u mahadceliyay madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo xusay in Madaxweynuhu uu dadaal dheer geliyay sidii labada dhinac uu u dhexmari lahaa Is-fahan. Sh. Axmed Madoobe ayaa dhinaca kale ku ammaanay dowladda Itoobiya dadaalkii ay u gashay in wada-hadalladaasi ay guul kusoo dhamaadaan.

Sidoo kale Mas’uulkan ayaa sheegay in muhiimadda koowaad ay siiyeen sidii loo xallin lahaa khilaafkii u dhexeeyay labada dhinac, wuxuuna tilmaamay in aysan wax micno ah sameyneyn magacii hore ee maamulka ee isbadalka lagu sameeyay.

Dhanka kale  Madaxweynaha Maamulka Jubba ayaa sheegay in uu tagi doono magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya isagoona sidoo kale ugu baaqay madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya in uu yimaado magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

SomaliSwiss       Kismaayo

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: