Degmada Hodan oo Xalay Toogasho lagu dilay Dhagarqabe Soo Weeraray Ciidamada Booliiska.

Astaanta Boliiska SoomaaliyaCiidamada booliska Soomaaliyeed ayaa xalay xaafada Al-Baraka ee degmada Hodan ku dilay mid ka mid ah maleeshiyaadka Al-shabaab oo dhaawac u geystay Askari ka tirsan ciidamada amaanka degmaadasi.

Weerarkan oo dhacay xalay Salaadii Maqrib ayaa waxaa fashiliyay Ciidamada booliiska kadib ay kooxo bistoolado ku hubeynaa ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan Booliiska oo ilaalo ka hayay xaafada Albaraka ee degmada Hodan, iyadoo ciidamadu ay taagasho ku dileen mid ka mid ah dhagarqabayaashii,  kaas oo meydkiisa ay ciidamadu qaadeen.

Sida lagu soo warramay waxaa weerarkaas ku dhaawacmay mid ka mid ah ciidamada Booliska, waxaana goobta falku ka dhacay ay soo buuxdhaafiyeen ciidamo ka tirsan booliiska, kuwaas oo isku fidiyay xaafada Albaraka ee degmada Hodan.

Balse ma aha markii ugu horeysay ee ciidamada amaanku ka hortagaan isku dayo lagu carqaladeynayay amaanka,  iyadoo weerarka ay fashiliyeen ciidamadu xalayna uu muujinayo sida ay ciidamadu diyaarka ugu yihiin ka hortaga fal kasta oo liddi ku ah amaanka caasimada Muqdisho.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: