Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya, oo beenisay war sheegaya in Weerar lagu qaaday Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya oo ku socday Marko.

Eng. yariisow.jpg1Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa beenisay war sheegaya in Weerar lagu qaaday Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya oo ku socday Marko ee gobolka Shabeellada Hoose, sida ay sheegtay Wakaalada Wararka ee fransiiska AFP in weerarkan lagu qaaday gaadiid uu la socday madaxweynaha Soomaaliya, sidaas waxaa laga soo wariyey Afhayeen Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale Afhayeenka howlgallada Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa war uu siiyay wakaaladda wararka caalamka ku sheegay in A-shabaab ay weerar ku qaadday gaadiid uu la socday madaxweynaha Soomaaliya oo marayay deegaan lagu magacaabo Buufoow oo ku dhow degmada Marko.

Afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab ayaa wuxuuu sheegay wakaaladaha wararka AFP wuxuuna yiri: “Weerar ayaan ku qaadeen gaadiid uu la socday madaxweyanaha Somalia, waxaana ku dilnay ciidammo isugu jira kuwa dowladda iyo AMISOM, sidoo kale waxaan dhaawacyo u geysannay xubnihii la socday”.

Sheekh Abuu-Muscab oo sii hadlaya ayaa sheegay in laba gaari oo ka mid ahaa gaadiidka uu la socday madaxweynaha inay ku burburiyeen baasuukayaal ay la heleen, isagoo intaa ku daray in dagaal ka dhashay weerarka ay qaadeen u u socday muddo nus saac ku dhow.

Dhanka kale Afhayeenka madaxweynaha Soomaaliya, Inj. Cabdiraxmaan Yariisoow oo ka mid ahaa wafdiga madaxweynaha ee Marko gaaray oo u warramayay qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalida ayaa sheegay in warkaas uu yahay mid been abuur ah oo aysan waxba ka jirin.

Inj. Yariisow oo warbixin siinayey Warbaahinta wuxuu yiri: “Ma jiro weerar gaadiidkii uu la socday madaxweynaha Somalia lagu qaaday, madaxweynaha iyo wafdigii la socday si nabadgalyo ah ayay ku gaareen degmada Marko”.

Afhayeenka Madaxweynaha ayaa sheegay in gaari ay la socdeen saraakiil ciidan oo ku socday Marko uu ku rogmaday magaalada Muqdisho uuna ku dhintay hal askari, dhowr kalena ay ku dhaawacmeen.

Si kasta ha ahaatee Wafdiga Madaxweynaha dowladda Soomaaliya la socday oo isugu jiray wasiirro, xildhiabanno iyo saraakiil ciidan ayaa ku sugan Marko, iyagoo halkaas kula leh kulammo maamulka gobolka, kan degmada iyo bulshada degmadaas ku nool.

SomaliSwiss    Marka

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: