Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud oo Muqdisho ka furay shirweyne looga hadlayo siyaasada dalka ee Mustaqbalka soo socda.

Shirka higsiga 2016Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirweyne looga hadlayo siyaasadii lagu hagi  lahaa dalka  Soomaaliya ee Mustaqbalka soo socda.

Shirka higsiga 2016.jpg1Shirkan ayaa waxaa ka qaybgalay xubnaha labada gole ee dowladda waxaana lagu casuumay qaybaha bulshada, sida culummada, maamullada dalka ka jira qaarkood, bulshada rayidka ah iyo dublamaasiyiin caalami ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo khudbad aad u kooban ka jeediyay shirkaas wuxuu yiri: “Waxaan doonaynaa in shirkan aan kaga hadlo howlaha dowladda u harsan, innagoo tusaale ka qaadanayna muddadii sannakan ahayd waxyaabihii noo qabsoomi waayay, waxaana rajeynayaa inuu saldhig u noqdo waxqabadka sannadaha soo socda”.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan cid  walba oo fikir soo gudbisa, wuxuuna xusay in ay soo dhaweynayaan dadka dhaliilsan siyaasadda ay ku shaqeyso dowladda.

Shirkan ayaa la sheegay inuu socon doono muddo shan maalmood ah iyadoo looga hadli doono qodobbo ay ka mid yihiin: dib u habeynta dastuurka dalka, habka awood-qaybsiga dowladda, dib u heshiisiinta iyo sidii dalka loo gaarsiin lahaa doorasho xor ah.

Waxaa kaloo shirkaas ka hadlay Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan), wuxuuna  sheegay in ujeeeddada shirka uu yahay sidii ay Soomaalidu ku heshiin lahayd, isagoo xusay in haddii ay shirkan ku heshiin waayaan aysan jirin cid dambe oo ay eedi doonaan.

Dhanka kale, waxaa isaguna furitaanka shirka ka hadlay ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Nicholas Kay oo sheegay in shirkaan ay soo dhaweynayaan ayna ka filayaan inay kasoo baxaan qodobbo horseed u noqda dib u heshiisiinta Soomaaliya.

Si kasta ha ahaatee Maamulka Puntlnad ayaa diiday in ay ka qaybgalaan shirkan, maadaama ay sheegeen inay horay xiriirka ugu jaray dowladda Soomaaliya ayaa, balse wasiirro u hadlay maamulkaas ayaa maanta ka sheegeen magaalada Garoowe inaysan aqoosan doonin qodobbada kasoo baxa shirka maanta furmay.

Shirkan oo lagu qabtay Hoteelka Jaziira ee Muqdisho  ayaa la xiray Waddooyinka waaweyn ee soo gala hotelkaas sida wadooyinka ku dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo lagu arkay ciidammo badan oo u diidayay gaadiidka inay waddooyinkaas isticmaalaan.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: