Dowladda Soomaaliya iyo Bangiga Islaamka oo heshiis ku kala saxiixday magaaladda Jeddah ee dalka Sucuudiga.

Heshiis_bakiga_Islaamka_Somalia3Dowladda Soomaaliya iyo bangiga Islaamka ayaa maanta heshiisyo ku kala saxiixday magaalada Jeddah ee boqortooyada Sucuudi Carabiya, iyadoo halkaas ay ku sugnaayeen wafdi uu hoggaaminayo ra’isul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid). HOOS KA DAAWO SAWIRADA

 

 

Heshiis_bakiga_Islaamka_Somalia

Sida lagu soo warramay Heshiisyadan ayaa waxa uu ka dhacay xarunta bangiga Islaamka waxaa Soomaaliya u saxiixay wasiir-u-dowlaha wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Nuur Gacal, halka bangiga Islaamkana uu u saxiixay, Axmed Maxamed Cali oo ah guddoomiyaha bankiga Islaamka.

Sidoo kale Heshiiska hore ayaa wuxuu socon doonaa ilaa sannadka 2020-ka, waxaana qodobbadiisa ka mid ah:

1.Horumarinta adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dalka

2.Wax-soo-saarka kala duwan ee dalka

3.Daymaha bislaaday oo dib loo eego

4.Soo noolaynta mashaariicdii bankiga islaamka uu ka fulin jiray Somalia5.Tayeynta howl-qabadka hay’adaha dowladda.

Heshiis_bakiga_Islaamka_Somalia1

Dhanka kale, heshiiskan ayaa waxa uu qayb ka ah in bankigu uu ka shaqeeyo ururinta lacagaha kaalmada ah ee dalalka Islaamku ay ugu talo- galeen Soomaaliya, fududaynta heshiisyada iyo adeegyada daymaha.

Heshiiska labaad ee xukuumadda Soomaaliya iyo bangiga Islaamku ay kala saxiixdeen ayaa waxaa ku kacaya 35-miliyan oo doollar oo lagu fulin doono mashriic deg-deg ah oo ay ka mid yihiin horumariinta biyaha, waxbarashada iyo wax-ka-qabashada deegaannadii abaaruhu ku dhufteen oo xilli kooban la billaabi doono.

Heshiis_bakiga_Islaamka_Somalia2

Ra’isal wasaaraha Soomaaliya oo kulankii lagu saxiixay heshiiska ka hadlay wuxuu yiri:“Waxaan uga mahad-naqaynaa bankiga Islaamka mashaariicda Soomaaliya uu ka fulinayo oo ah kuwo horumarineed iyo iskaashiga joogtada noqonaya ee maanta aan isku af-garannay, kaddib muddo dheer oo bankigu uu xayiray kaalmooyinkii Soomaaliya la siin jiray. Soomaaliya waxay ku socotaa dariiqii ay kusoo kaban lahayd”.

Al.Sayid Axmed Maxamed Cali oo ah Gudodomiyaha Bankiga Islaamka ayaa wuxuu kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuuna sheegay in xiriirka Soomaaliya iyo bankiga Islaamku uu yahay mid soo jireen ah, dibna loo fasaxyo kaalmooyinka la siin jiray Soomaaliya maadaama ay ku soo noqotay xasillooni 22-sano kaddib, wuxuuna ballan-qaaday inay diyaar u yihiin ka qaybgalka dhismaha dalka iyo horumarinta mashaariicda kale ee aasaasiga ah.

SomaliSwiss     Jeddah

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: