Ra’iisul wasaaraha dalka Yemen oo ka badbaadey isku-day dil oo la doonayey in lagu khaarijiyo.

Mohammed-SalemRa’isal wasaaraha dalka Yemen Muxammad Saalim ayaa gelinkii dambe ee shalay ka badbaadey isku-day dil oo lagu doonayey in lagu khaarijiyo. Sida lagu soo warramay  Afar nin oo ku hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca, ayaa lagu soo warramayaa in kolonyo gaadiid ah oo gelbineysey Basindawa ay ku weerareen inta u dhexeysa xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo gurigiisa.

Sida lagu soo warramay  Afar nin oo ku hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca, ayaa lagu soo warramayaa in kolonyo gaadiid ah oo gelbineysey Basindawa ay ku weerareen inta u dhexeysa xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo gurigiisa.

Mid ka mid ah Kaaliyeyaasha Muxammad Saalim ee magaciisa lagu sheegay Cali Al-saraari  ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in ilaalada ra’iisul wasaaraha Yemen ay iska caabiyeen weerarka, isagoo xusay in aysan jirin cid weerarkaas wax ku noqotay.

Sidoo kale Mas’uulkan ayaa sheegay in la aqoonsaday dableydii weerarka geysatey, islamarkaana uu socdo baaritaan xooggan oo ku aaddan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.

Sida la wada ogsoon yahay Gobollo ka mid ah dalka Yemen waxaa ku xooggan kooxo jihaadiyiin ah oo dhowr mar oo hore dagaallo la galay ciidamada dalka Yemen. Kooxahan ayaa xiriir laleh ururka Al-qaacida.

Dhanka kale Mudane Muxammad Saalim Basindawa ayaa waxaa xilka ra’iisul wasaarenimada loo dhaariyey bishii Nofeembar ee ee sanadkii 2011, kaddib markii madaxweynihii hore ee dalkaasi – Cali Cabdallah Saalax- uu xilka ku wareejiyey ku-xigeenkiisii Cabdulrabbi Mansuur Haadi.

Si kasta ha ahaatee dalka yeman ayaa waxaa Todobaadyo albaabada loo xiray  safaardda Maraykanka ee Yemen iyo safaaradaha dhowr dal oo kale oo Midowga Yurub ka tirsan, kaddib markii ay soo baxeen digniino sheegaya weerarro ay Al-qaacidada dalka Yemen qorsheyneyso in ay la bartilmaameedsato qarax safaaradahaas.

SomaliSwiss   Sanca

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: