Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gellinkii dambe ee maanta ka dhoofay Muqdisho, iyagoo u dhoofay dalka Sucuudiga Carabiya, halkaas oo la sheegay inuu u tagay cimro iyo ka qayb-galka shir aan faahfaahin laga bixin oo ka dhacayay magaalada Riyadh ee xarunta dalkaas.
Wafdiga uu hoggaaminayo Ra’iisul wasaaraha ayaa waxaa ka mid ahaa: Wasiir-u-dowlaha Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Nuur Gacal, afhayeenka xukuumadda Ridwaan Xaaji C/weli, xaaska ra’iisul wasaaraha, Caasho Xaaji Cilmi oo xildhibaanad ah, iyadoo Ra’iisul wasaaruhu uusan saxaafadda la hadlin markii uu Muqdisho ka ambabaxay.
SomaliSwiss    Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.