Ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliya oo Gacanta Ku Soo dhigay Maleeshiyaad Isugu Jira Al-Shabaab iyo Ajnabi

Howlgal-BooliisCiidamada ammaanka ee dowlada ayaa howlgal ay xalay ka sameeyeen magaalada Muqdisho waxa ay ku soo qabqabteen maleeshiyaad farabadan oo ka tirsan Alqaacidda oo ay ku jiraan horjoogayaal.

Howlgalkano oo xalay saqdii dhexe ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan hey’ada Nabadsugida ka sameeyeen Hoteelo yar yar ah oo ku yaala suuqa Bakaaraha ayeey ku soo qabqabteen ilaa iyo 27 dhagarqabaal ah oo ka tirsan maleeshiyaadka Shabaab kuwaas oo mid ka mid ah uu yahay Ajnabi.

Ciidamada ayaa saqdii dhexe ee xalay si xeeladeysan mar qura ugu daatay gudaha Hoteeladaasi, kadib markii la helay macluumaad ku aadan in dhagarqabayaashaasi ay ku jiraan hoteeladaasi,  waxeyna ciidamadu si buuxda gacanta ugu soo dhigeen maleeshiyaadkaasi oo doonayay iney falal amnidarro ah ka geeystaan magaalada Muqdisho.

Dhagarqabayaashan ayaa waxa si buuxda gacanta ugu haysa hey’ada Nabadsugida Qaranka, waxaana ku saocda Baaritaano dheeraad ah,  iyadoo ciidamadu gacanta ku soo dhigeen agabyo kala duwan oo ay wateen kooxdani kuwaas oo muujinaya iney ka tirsanyihiin Argagixisada Shabaab.

Howlgalka lagu soo qabtay raggan ayaa waxaa horkacayay taliyaha nabadsugida gobolka Banaadir G/Dhexe Maxamed Aaden Koofi iyo saraakiil kaloo ka tirsan hery’adda,  waxaana howlgalkani uu qeyb kayahay howlgallo maalmihii ugu dambeeyay si xowli ah uga soconayay magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: